Saylici Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyey Iyo Nuxurka Faahfaahin Uu Ka Bixiyey Kulamadii Uu Dibadda Kusoo qaatay
Hargeysa:April,29,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa Maanta Dalka Dib ugu soo laabtay, waxana Soo dhaweyn Ballaadhan loogu sameeyey Garoonka Cigaal International Airport.
Mudane Saylici, ayaa safar Muddo bil kabadan qaatay ugu maqnaa Dalal ku yaalla Koonfurta Maraykanka, waxana uu warbixin ka Bixiyey Kulamo uu la qaatay Jaaliyaddii Reer Somaliland ee ku sugnaa Dalalkii uu Booqashada ku tegay.
Madaxweyne xigeenka Somaliland oo soo dhaweyntiisa Maanta lagu arkay Wasiirrada Xukuumadda ugu tunka weyn iyo Shacabweyne kale oo lasoo abaabulay, ayaa sheegay inuu Dalalkii uu soo maray kusoo arkay shacab u heellan horumarka iyo isku duubnaanta Dadka somaliland oo khilaaf aanu dhexdooda ka jirin.
Madaxweyne xigeenka oo la waydiiyay waxyaabaha uu kala hadlay Jaaliyadda Gobolka Awdal ee Maraykanka oo la sheegay inay Suldaan Wabar taageeraan ayaa ku jawaabay “ Horta dad aad u fara badan maaha, dad qiimo weyn iyo muhiimad la siiyana maaha ee waa inyar oo maynoorati ah, intii aanu is gaadhnay way ku qanceen wixii aanu u sheegnay. Waxaanu u sheegnay inaan qaranimada Somaliland cidi ka lahayn oo shalay Madaxweyne ka ahaayeen, maanta ay joogaan, dorraadna joogeen. Markaa dadku wuu kala duwanaan karaa Laakiin boqolkiiba sagaashan(90%) dadka reer Awdal ee dibada joogaa waa reer Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne xigeenku.
Madaxweyne xigeenka ayaa sidoo kale la waydiiyay in muddo kordhinta Xukumadda rabtaa xumaysay xidhiidhka Somaliland iyo beesha Caalamka “Maanan kala xuub siiban ee Beesha caalamka iyo anagu meel baanu u wada soconaa, waxaanu u wada soconaa dimuqraadiyadda inaanu kobcino, wixii talo iyo tusaale ahina qaranka ayay u wada yaalaan, sidii xeegana xeego u noqon lahayd ilkana u nabad gali lahaayeen ayaa la yeeli insha Allah” ayuu yidhi Mr Saylici.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com