CODSI DADWEYNE:Wasiir Cali sanyare oo nooga waramay caqabadaha maaliyadeed ee dalka
Geneva May 01,2015(SDN/QJ)-Wasiirkii hore ee Qorsheynta Qaranka iyo Xiriirka Caalemiga ee Somaliland Md Cali Ibrahim Maxamed (Cali Sanyare) ayaa horaantii sanadkan Wareysi uu siiyay bogan qurbejoog.com ayaa waxa uu nooga waramay habacsanaanta xukuumada Somaliland ee dhinacay maaliyada.
Wasiirka ayaanu wax ka weydiinay caqabadaha maaliyadeed ee dalaka ayaa ku dheeraaday ka hadalka habacsanaanta xukuumada ee maareynta dhaqaalaha dalka isla markaana waxa uu soo jeediyay afkaar wax looga qaban karo.
Suaasha wasiir Sanyare aanu weydiinay ayaa sidan u dhigneyd, Qof walba oo ka hadla nidaamka maaliyadeed ee somaliland, wuxuu dhaliila fulinta loo maro nidaamka. Ma noo iftiimin karta ka aqoonyahan ahaan iyo siyaasiba,caqabadaha kuu muuqda ee hortaagan nidaamka maaliyadeed ee somaliland ?
Waxaanu Wasiir Cali Sanyare ku Jawaabay:
Koleyba qofkii Lagu aamino ilaalinta hanti qaran, ma dhaliila la’aanayo. Haddii mad-madow lagu arkana kaba sii daran oo dhaliiluhu way boqol laabmayaan. Waxa loo soo galey dadaal badan inoo nidaamka maaliyadeed somaliland soo gaadho halkuu maanta joogo. Waxa dhidibka u taagay nidaamka xukumaddii,alle-how-naxariistee,
Madaxweyne Moxamed Ibraahim Cigaal. Hase yeeshee, nidaamku weli wa qabyo oo wuxuu u baahanyahay in kor loo sii qaado. Waxa, gaar ahaan, ka dhiman Isla-xisaabtan dhab ah oo la taaban karo oo shaqeynaya.
Nidaamka maaliyadeed ee dal kasta wuxuu u baahanyahay silsilad isku xidhan oo xubin waliba hawsha loo igmaday uga soo baxdo hagar la’aan. Haddana waa silsilad mid waliba halkeeda ilaalineyso hantida qaranka oo ay dabagal iyo ilaalin isku
sameeynayaan si waajibaadkoodii kala gedisnaa u kala gutaan. Haddana, waa silsilad
wada-shaqeyn joogta ahi ka dhaxeyso. Awoodahooda u gaarka ahna waxa qeexa
sharciyo kala duwan oo Isla markaasna ku waajibinaya wada-shaqeyntooda.
Hay’adahaas silsilad ah ee dalkeena waxa ka mid ah kuwa hoos ku xusan:
1. Wasaaradda Maaliyadda oo ay hoos yimaadaan.
b). Waaxda miisaaniyaddii
t). Waaxda cashuuraha beriga
j). Waaxda kastamada iyo
x). Xisaabiyaha Guud
2. Bangiga Dhexe
3. Hanti-dhowraha Guud
4. Hay’ada qandraasyada
5. Dekeda Berbera
6. Wasaaradda Qorsheynta (isku-jaangoynta qorshaha dhaqaale iyo
siyaasadda maaliyadeed )
7. Golaha Wakiilada ( Guddida Dhaqaalaha)-ka doodida, wax-ka- bedelka iyo
ansixinta miisaaniyada iyo dabagalkeeda.
Qaabka maamul maaliyadeed ee dalku wuu dhisanyahay, laakiin ma dhameystirna. Wuxuu u baahanyahay in kor loo qaado, lana dardargeliyo sidii loogu bedeli lahaa nidaam maaliyadeed oo hufan (transparent). Dhibaatooyinka hortaagan in la helo nidaam maaliyadeed oo hufan way badanyihiin, balse aynu Isla-eegno kow iyo tobankan (11) caqabadood ee hoos ku qoran.
1). Dabagal aan ku fileyn dhinaca cashuur ururinta oo keeni karta in wax badani faraha
dexdooda ka baxaan.
2). Qorshe iyo siyaasad aan hufneyn oo madmadow ku jiro oo loo raaco nidaamka diyaarinta, fulinta iyo dabagalka miisaaniyada qaranka iyo kuwa qandraasyada loo maro.
3). Gaabis ka jira,guud ahaan, hufnaanta nidaamka maaliyadeed oo kaabis sharci iyo mid nidaamba u baahan.
4). Bangiga dhexe oo awoodihiisii bangi dhexe aanay dhameystirneyn.
5). Gaabis ka jira warbixin hufan oo tafatiran oo qeexeysa sidii hantida qaranka loo isticmaalay sanadwalba.
6). Golaha wakiilada iyo guddigiisa dhaqaalaha oo gebi ahaanba baalmarsan fulinta awoodahooda ku cad qodobada dastuurka ee ku saabsan la-xisaabtanka xukuumadda iyo dabagalka miisaaniyada qaranka . Shaqadoodu waxay noqotay hawl-u -fududeyn ay u hayaan xukuumadda, taasoo iyana ka soo horjeeda awoodaha la kala leeyahay ee nidaamka maaliyadeed. Waxa kuwaas ka mid ah miisaaniyada oo sanadwalba lagu ansixiyo duuduub, iyadoo xildhibaanada Golaha aan la siin, sida dastuurka dhigayo, fursad ay ka doodaan, waxna kaga bedalaan miisaaniyada ka hor intaan loo codeyn ansixinteeda.Falalkaasu waxay dhabarjab ku yihiin helitaanka nidaam maaliyadeed oo hufan.
7) Iyadoo aannu jirin hantidhowre guud oo ka madax banaan xukuumada oo hoos yimaada Golaha sharci dejinta sida dalalka qarkood.
8) Gaabis ka jira qabyotirka dhamaan sharciyaddii maaliyadeed ee loo baahna, si
Isbedel nidaam maaliyadeed u yimaado.
9). Baahi weyn oo loo qabo in shaqaalaha maaliyadda aqoontooda sare loo qaado
oo la tayeeyo. Kuwa hadda dibeda wax-ku-soo bartey ee la leeyahay waxay gaaf-wareegayaan wasaaradda dhexdeedana xilal loo dhiibo oo la meeleeyo. Agabkii iyo
dhiirigelintii ay u baahanyihiinna loo dhameeyo. Shaqaale tayeysan la’aani waa nidaam
maaliyadeed la’aan hufan.
10) Miisaaniyadaha dawladaha hoose oo aan ka muuqan nidaamka maaliyadeed ee qaranka.Waxaa kaloo loo baahanyahay kala-caddeyn ,kala xadeyn iyo wadatashi joogta ah oo ku saabsan cashuuraha hadda,aan is-ugeen,ee kasoo kala baxa dawladda dhexe iyo dawladaha hoose, si cashuur aanay qaadi karin bulshadu looga digtoonado
11). Waxa kale oo loo baahanyahay warbaahin maaliyadeed oo iyana hufan oo laga dheehan karo warbixinno kala duwan oo ay ku jiraan kuwa hoos ku qoran:
b) Maxa laga faai’iday oo ka soo baxey natiijadii miisaaniyaddii la fuliyey sanadkii
dhamaaday.
t)Maxa kharashyo loo kala qoondeeyey mareegayaasha dhaqaale ee istraatiijiga ah ( strategic economic sectors), sideeebanay u kala isticmaaleen.
j)Siduu ahaa anshaxa guud ee maaliyadeed ee ku saabsan isticmaalka miisaaniyada.
x) Maxay miisaaniyadu ku soo kordhisay adeegyadii bulsho oo rali geliyey shacbiga.
SDN/QJ-Geneva