Kooxo Al-shabaab Looga Shakiyey Oo Xalay Weerar Gaadmo ah ku Qaaday Gudaha Magaalada Wajeer Ee Dalk Kenya
Wajeer:April,29,2015(SDN/QJ)-Kooxo lagu tuhunsan yahay inay yihiin Al-shabaab, ayaa xalay weerar qorshaysan ku qaaday Gudaha Magaalada Wajeer ee W/Bari Kenya, waxana ay Beegsadeen Goobo Gaar ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in rag ay weerarka ku qaadeen xarunta degmada Wajeer iyo Xafiiska Gudoomiyaha magaalada Wajeera, isla-markaana ay Khasaare geysteen, balse wali xaqiiqada lama hayo.
Dagaal muddo socday ayaa dhex maray ciidanka ammaanka magaalada Wajeer iyo kooxda weerarka soo qaaday, waxana markii dambe suurta gashay in kooxdii halkaas ka cararaan.
Khasaaraha nafeed ee ilaa iyo hadda ka dhashay weerakra lama shaacisn hase ahaatee dadka magaalada ku nool ayaa sheegay in uu Jiro Khasaare soo kala Gaadhay Dhinacyada uu Dagaalku u dhexmaray Magaalada Wajeer.
Al-Shabaab ayaa joogteysay weerarada tooska ah ee ay ka fuliso gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxana toddobaadyadan sii badanaya Weerarrada Qorshaysan ee La fuliyo.
SDN/QJ