Hoos udhaca Dakhliga Oo Keenay In Wasiir Samsam Xilka Ka Qaaddo Maamulayaasha Kastamada Galbeedka Dalka
Hargaysa:April,29,2015(SDN/QJ)-Warar Hoose oo laga helayo Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda, ayaa sheegay in Wasiir Samsam Cabdi Aadan xilalkii ka qaadday Maamulayaashii Qaarkamid ah Kastamada Galbeedka Dalka, kadib markii ay Maalmahan dambe si isdaba jooga ah usii yaraanayeen Lacagihii Dakhliga ahaa ee Dalka soo geli jirey.
Sida Xoguhu sheegayaan, waxa Wasiir Samsam, ay xilalkii ka qaadday Maamulayaashii Kastamada Kala-baydh iyo Abaarso, kuwaas oo muddo badan goobahaas Xukumayey, waxana jirey Digniino hore oo loo jeediyey, kuwaas oo la xidhiidhay inay kor u qaadaan Lacagaha ay soo xaraynayaan.
Wararka aanu hayno, ayaa sheegay in Marwo Samsam Cabdi Aadan, ay xilal cusub u magacowday xubnahan Soo Socda:
Wasiirka Maaliyaddu Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay Maamulaha kastamka Abaarso ee Checking-ka u magacawday Maxamed Ismaaciil Organ-saynle, halka ay Maamulaha Kastamka kala-baydh u magacaabay Axmed Gaaxnuug Cali, iyadoo sidoo kalena Maamule-ku-xigeenka kastamka kala-baydh u magacawday Cabdi Muuse.
Waraaqda Xubnahan cusub lagu magacaabay, ayaanay wali warbaahintu helin, waxase arrintaas xaqiijiyey xubnihii Xilalka laga qaaday.
Tallaabadan, ayaa loo arkaa mid lagu dardargelinaya Kor u qaadista Dakhliga waddanka oo tan iyo intii uu wasiir Samaale Meesha ka baxay hoos u sii socda, waxana taasi keentay in Xubnaha Gacanta ku haya Goobaha Dakhliga ay ishu si weyn u hayso.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com