|

“Wada-tashi baynu yeelanaynaa oo talaynu qaadanaynaynaa dhinac kastaba ha ahaatee cidda ay khusayso ee sharciyaddu siisay, Taladaas inagoo dhegaysanay baynu Go’aankeena Qaadanaynaa” Gud. Saleebaan Gaal

Hargeysa:April,28,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Guuurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Maanta Markii ugu horraysay Golaha Dhexdiisa ka jeediyey KHudbad la xidhiidha Xaaladda Dalku Galay iyo Baahida Loo Qabo in guurtidu ay qaadato Doorkooda Muddada loogu kordhinayo Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.

dheccFadhigii Maanta ee Golaha oo uu Saleebaan Maxamuud Aadan Ka hadlay, ayaa si faahfaahsan uga Hadlay Baahida loo qabo in Guurtidu ay qaadato Go’aan cidkasta Raalligeliya, isla-markaana Taladiisa la badsaday oo aan lagu degdegin.

Guddoomiye Saleebaan oo Haatan dibadda kasoo noqday, ayaa ugu horrayn sharaxaad ka bixiyey Waxyaabaha Guurti ahaan  Maanta loo Baahan yayay, “Guux Badan iyo Tadaakhul badan ayaad mooddaa in Bulshadii la inoogu furay, innaguse dhego uma lihin oo ta qaranka ayeynu naqaan. Mid oday ah, mid meel dhexaad ah iyo mid dhallinyaro ah innaga maanta Hawshii Guurtida  ayuu xilkeedii ina saaran yahay, sidii aynu ka yeeli jirney ayeynu ka yeelaynaa.” Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiyaha oo Hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaanay Guurti ahaan Maanta Eegaynin Dan Xisbi, Xukuumad ama cid gaar ahi leedahay, waxana isagoo arrintaas ka Hadlaya uu yidhi,

“inaggu axsaabna ma nihin, Komishanna ma nihin Xukuumadna ma nihine waxaynu nahay ka-talin danteena dantii qaranka, Degenaanshaheena iyo u adkaysigeenna ayaa Maanta la inooga fadhiyaa, Mana Degdegsanine wakhtibaynu haysanaa”

Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Markii ugu horraysay si cad u sheegay inay qaadanayaan Talooyinka Cidda Xaqa u leh in  Wax laga weydiiyo Xaaladda Haatan dalku galay ee sharcigu siiyey, waxana uu yidhi,

“Wada-tashi baynu yeelanaynaa oo talaynu qaadanaynaynaa dhinac kastaba ha ahaatee cidda ay khusayso ee sharciyaddu siisay, Taladaas inagoo dhegaysanay baynu Go’aankeena Qaadanaynaa”

Guddoomiyahah oo Hadalkiisa sii wata, ayaa carrabka ku  dhuftay in xataa Xubnaha Guurtida katirsan ee Axsaabta gaarka ah taageera looga Baahan yahay inay Danta qaranka Maanta eegaan oo ay iska ilaawaan Dan cid gaar ahi leedahay,

“Waa Jiraan Rag Axsaabta ku jiraa oo kama madhna, laakiin Maanta Garnaq baa la rabaaye Axsaab lama rabo, garnaq iyo Ka Go’aan qaadasho ayaa la inooga fadhiyaa, waxa kale oo dhamina waxa ay daba soconayaan Dantaa Qaranka iyo Dadka, Dadweynahana waxad mooddaa in Badannkiisa Nashuushad la geliyey.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan .

Saleebaaan Maxamuud Aadan, waxa uu sharraxay Nooca uu noqon doono Go’aanka ay Guurti ahaan Qaadan Doonaan, waxana uu yidhi,

“Go’aanka la qaadanayaa waxa uu noqonayaa mid aan Xisbina u danaynayin, Xukuumadna u danaynaynin, cidkalena u danaynayn. Qarankana dadkaa leh Horta oo inagu ma lihin Dadweynuhuna wuu inoo igmadaye isagaa leh, Dadkiina waa in laga daayaa Kicinta iyo shididda.”

Hadalkani waxa uu kusoo beegmayaa xilli ay dhamaad ku dhaw yihiin Xilligii sharciga ahayd ee Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanku, isla-markaana shacabku dhegaha u taagayaan Muddada loogu dari doono Inay kuraasta kusii fadhiyaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed