|

“Waxan leeyahay wax kale oo la is odhan karaa ma jirto xaalkuna waa Lugna Baqe Ugu Joog, Lugna Dirir, Hadalka Saleebaan-na Kollay Dhinaca Mucaaridka Waxan Leeyahay….”Cali Gurey

Hargeysa:April,28,2015(SDN/QJ)-Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid Muj. Cali Maxamed Yuusuf(cali gurey), ayaa Naqdiyey Hadalkii uu shalay Guddoomiye Saleebaan Gaal Warbaahinta Mariyey, kaas oo salka ku hayey muddo kordhin loo samayn Doono Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

cali gureyGuddoomiye Cali Gurey oo war qoraal ah oo dhigay Bartiisa Face-book-gga, ayaa qiray inay muddo-kordhini lama huraan tahay, balse waxa uu deedafeeyey in la sameeyo mid baalmarsan Tii dhawaan Komishanku icaalmiyeen ee ku ekayd HOrraanta Bisha Lixaad ee sanadka soo socda.

Qoraalka Cali Gurey arrintan kaga Hadlay ayaa sidatan  u dhignaa:

“Saleebaan gaal mar waa runtii oo hadii aanay doorashadu ku qabsoomayn wakhtigeedii 26ka June 2015 waa sax oo dalku bilaa dawlad ahaan maayo inta laga gaadhayo wakhtiga dambe ee doorashadu ku qabsoomi karayso. Wakhtiga dambe ee ay doorashadu ku qabsoomi karayso Goluhu Guurtidu xaq uma laha inu cayimo wakhti kale oo aan ahayn wakhtiga uu cayimay Komishanku ee weliba ay isla qaateen sadexda xisbi Madaxwaynuhuna waafaqay ee uu cadeeyay inu uu ogol yahay. Inta u dhaxaysa taariikhda rasmiga ahayd ee doorashada oo 26June 2015 iyo daariikhda dambe ee qabashada doorashada ee dhinacyadii ay doorashadu khusaysay oo dhami isla wada ogolaadeen oo ah 1da bisha June 2016ka hadii Alleh yidhaa dibcan kama fursanayso in cidda xalaalaynaysaa ay noqoto Golaha Guurtida. Balse waxa kuligeedba sharci darro keliya ah hadii Golaha Guurtida loo adeegsado muddo kordhin baadil ah oo aan xaq ahayn ka dibna ay qalinka ku duugaan muddo aan ahayn ta doorashadu ku qabsoomi karto ee la isla ogol yahay. Hadii ay sidaa yeelaan marka hore wixii lagu heshiiyay oo dhami way burayaan mawqifka mucaaridkuna ma ahaanayo kii hore ee lagu heshiiyay ee labada xisbiba ay tanaasuleen. Xalku sidii inta dalka iyo dadka danaynaysaa ay jecelaayeen ma noqonayo oo aan laga warwareegi karin ee lagu qasban yahay si loo badbaadiyo jiritaanka qaranimada Somaliland iyo geedisocodkii dimuqraadiyadaynta gaar ahaan nadaamkii xisbiyada badan iyo doorashooyinka xor iyo xalaasha ah. Markaa anigu waxan leeyahay wax kale oo la is odhan karaa ma jirto xaalkuna waa LUGNA BAQE UGU JOOG LUGNA DIRIR hadalka Saleebaan-na kolay dhinaca mucaaridka waxan leeyahay NIN KUU DIGAY KUMA DILIN

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed