Safaaradda Somalia Ee Muqdisho Oo Lasoo Degtay Gaadiid Aanay Rasaastu Karin
Muqdisho:April,28,2015(SDN/QJ)-Garonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxa shalay Maqribkii laga soo dejiyey laba Gaadhi oo aanay Xabaddi karin, kuwaas oo sida la sheegay loogu talo galay Shaqaalaha Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Magaalada Muqdisho.
Diyaarad weyn oo kuwa xamuulka ah ayaa sidday Baabuurtaas, waxana Shaqaalaha Garoonku xaqiijiyeen Lahaanshaha Gaadiidkaas ee Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Somalia.
Dowladda Mareykanka ayaa bishii February waxa ay si rasmi ah Safiir ugu soo magacawday Soomaaliya, muddo 24-sano kadib, waxaana loo magacaabay Haweeney muddo ka shaqeyneysay Wasaaradda Arrimaha Dibada Mareykanka oo lagu magacaabo Katherine Dhanani.
Mareykanka ayaan Safaarad joogto ah ku laheyn Soomaaliya, tan iyo sanadkii 1991-dii, waxaana mudadii bur burka uu u soo magacaabayay Soomaaliya Ergey, kaasoo uu fadhigiisa uu ahaa magaalada Nairobi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com