|

Madaxweynaha oo furay kal-fadhiga lixaad ee baarlammaanka federaalka ah

Muqdisho 27.April 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay kal-fadhiga lixaad ee baarlammaanka federaalka ah ee Soomaaliya.
Af-hayeenka baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo ugu horrayn hadal ka jeediyay madasha ayaa xildhibaannada ku baraarujiyay inay u diyaar garoobaan fulinta hawlaha laga sugayo.

Furitaanka-kalfadhiga-6aad-300x130Ugu dambaynna madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanka kalfadhiga ayaa ka hadlay amniga dalka, hirgalinta federaalka, iyo qaxootiga Soomaalida ah ee ku kala nool dalalka Kenya iyo Yemen.

Golaha shacabka ayuu ka codsaday madaxweynuhu inuu xoogga saaro dhammaystirka sharciyada federaalka, si maamullada KMG ah ee dhisan iyo kuwa la dhisayaba ay u buuxiyaan shuruudaha laga doonayo.

Xasan Sheekh ayaa dhallinyarada ka tirsan malleeshiyada Al-Shabaab ku boorriyay inay kusoo biiraan shacbigooda, wuxuuna u ballan qaaday inay soo dhaweynayso dowladdu.

Comments are closed