Dawladda Soomaaliya Oo Laba Markab u Dirtay Shacabkeeda Ku Tabaalaysan Dalka Yemen Iyo Golaha Baarlamaanka Oo Bixiyey Lacagta Lagu Kireeyey
Muqdisho:April,27,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Federal-ka Somalia, ayaa laba markab u dirtay Dadka Soomaaliyeed eek u dhibaataysan Dalka qalalaasuhu ka jiro ee Yemen.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa isagu bixiyey amarka ay labadaas markab ku dhaqaaqeen, waxana la filayaa inay dhawaan soo rari doonaan Dadweyne ku dhibaataysan Dalka yemen.
Labadan markab ayaa mid ka mid ah wuxuu ku xidhan doonaa Dekada Magaalada Cadan ee dalka Yemen oo dagaalo ay ka socdaan, halkaasi oo ay ku go’doonsan yihiin Soomaali badan oo dalka dib ugu soo noqon laheyd.
Agaasimaha Baarlamaanka Maxamed Ciyow, ayaa isaga oo la hadlaayay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, wuxuu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu bixiyay amarka labadaasi markab ay ku baxeen, wuxuuna sheegay in todobaadkaan gudihiisa la keeni doono Soomaali badan oo dalkaasi ku go’doonsan.
Lacagta lagu kireeyay labadaan markab ayuu sheegay Agaasime Ciyoow in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu sii amaahday, maadaama Guddiyada Baarlamaanka ay hore u go’aamiyeen in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Mushaaraadkooda laga jaraayo dhaqaalaha dib loogu soo celinaayo Soomaalida dalka Yemen.
Tallaabadan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu ugu diray labada Markab dalka Yemen, ayaa ku soo aadeysa, xilli Soomaali badan ay ku go’doonsan yihiin dalka Yemen oo ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Xoogaga Xuutiyiinta iyo Dowladda dalkaasi.
Muwaadiniinta u dhashay dalalka kale ee Yemen ku sugnaa, waxaa goor hore daadgureeyay Dowladahooda, iyadoo dadka ugu badan ee dhibaatada haysata iminka ay yihiin Soomaalida.
SDN/QJ