Kooxda Islaamiyiinta Syria Ee Nusra Oo Xorriyadoodii u Celisay Laba Muwaadin Oo Dalka Sweden u Dhashay
Raghah:April,27,2015(SDN/QJ)-Kooxda Islaamiyiinta Waddanka Syria ee Al-nusra, ayaa sii daysay laba muwaadin oo waddanka Sweden u dhalatay, kuwaas oo ay muddo dheer afduuub ahaan u haysteen, sida ay wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi shaacisay.
Labada qof ayaa la sii daayey maalintii Jimcaha, waxaana ay hadda dib ula midoobeen qoysaskoodi, balse magacyada labadan qof ayaan si rasmi ah wali loo shaacinin.
Sii dayntooda, ayaa waxa qayb weyn ka qaatay Sirdoonnada dalalka Falastiin iyo Urdun oo aakhirkii keenay in arrintaasi guul ku dhamaato.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden Margot Wallström ayaa uga mahad celisey dedaalka ay sameeyeen Falastiiniyiintu iyo weliba Madaxweynaha Falastiin ee Maxamuud Cabbaas.
Sida laga soo xiganayo TT wakaalada wararka ee dalka Sweden, labadan qof waxaa la afduubtey sanadkii 2013.
Safiirka dalka Falasiin u fadhiya Sweden ayaa sheegay in labadan qof ee u dhashey dalka Swden ay afduubatey Jabhadda xagjirka ah ee Nusra taas oo xidhiidh la leh al-Qaacida, waxaana ay ku haysteen xuduudka Siiriya iyo Urdun.
Wada hadalka lagu sii daayey ayaa socdey muddo laba bilood ah, lamana sheegin in madax-furasho lagu sii daayey iyo in kale. Jamhadda Nusra ee dalka Siiriya ayaa dadka ay afduubato ka qaadata madaxfurasho.
SDN/QJ