Dhaawac La Gaadhsiiyey Maayarkii Degmada Balligudbadle Iyo Sababta Keentay Oo Si Weyn Loo Hadal hayo
Balligubadle:April,27,2015(SDN/QJ)-Cabdi Iimaan Jaamac oo ah Maayarka Degmada Balligubadle, ayaa dhaawac loogu geystay Gudaha Magaalada Balligubadle xilli uu ku jirey Hawlihiisa shaqo ee caadiga ah.
Sababta dhaawaca Maayarka, ayaa la sheegay inay tahay kadib markii ay Dawladda Hoose Ku dhaqaaqday Hawlo waddo-mariseed, kuwaas oo keenay in dadka qaarkii arrimahaas ka horyimaadaan, isla-markaana ay arrintu gaadho gacan-ka-hadal.
Dhaawacan loo gaystey Maayarka ayaa ka dambeeyey ka dib markii Dowlada Hoose oo uu Hogaaminayo Maayarku ay Muwaadin ka mid ah Dadka Shacabka ah ee magaaladaasi ay ka Baabi’iyeen Dhul uu lahaa,taasi oo sababtey in uu soo weeraro Maayarka isagoo dhaawacyo kala duwan soo gaadhsiiyey Madaxa ,
Waxaana Maayarka loola soo Cararey Magaalada Hargeysa isagoo la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka Adna Aadan Hospitaal ,ka dibna waxaa isla xalay loo gudbiyey Dhakhtarka Hargeysa ee Neerfaha ee Hargeysa Neorology oo hada lagu daweynayo.
Ninkii dhaawaca Gaadhsiiyey Maayarka, ayaa Haatan ku jira Gacanta ciidamada Ammaanka, waxana laga dhursugayaa Sida uu caafimaadka Maayarku noqdo, iyadoo intaas kadibna la filayo in Sharciga la horgeyn doono.
SDN/QJ