|

PROFESSOR SULAIMAN A.GULAID : HOGAAMIYE KU HABOON “DAWLAD WADAAG” CARETAKER GOVERNMENT OF SOMALILAND

Muddo xileedkii xukuumada Kulmiye wuxuu ku eegyahay 26 June,2015 , doorsashadana  waxa la cayimay 1s,t June,2016. Inta u dhaxaysa labada muddo dalku  waxu   u baahanyahay“Dawlad Wadaag “  

WAA MAXAY  DAWLAD WADAAG “ Caretaker Government “
Caretaker Governemnt  waxa la dhisaa marka u dhamaado muddo xileed  dawaladeed , ama la kala diro, ama la casilo, ama kalsoonida lagala noqdo.  Waajibaadkeedu wuxuu  ku koobnyahay  qabashada  doorashada ;ilaalinta  hantida ummadda;  hagista hawl maalmeedka dawladda  ; iyo difaaca qaranka. Waxa ka reeban  heshiisyo ay saxeexdo ;qawaanin cusub oo ay soo saarto iyo cashuur kordhin.
YAA SOO DHISAAYA.
Waxa ku heshiinaaya Madaxweynaha ;M/Kuxigeenka ,  iyo Madaxda Saddexda Xisbi Qaran , oo metelayaa bulshowaynta Somaliland  ee codkooda siiyay. Waxay isla meel dhigayaan  qaabka  loo disaayo “Dawladd Wadaag”  ; waajibaadka loo egman doono, iyo sifooyinka shaqsiyaadka ku haboon in loo magacaabo. Shaqo kuma laha , mana haboona inay faro gelin ku sameeyaan Beesha Caalamku; Golaha Guurtidu, Madax-dhaqmeedku iyo Madasha  Wada-tashigu;  sababto oo  cod iyo kalsooni shacab  kuma fadhiyaan. Marka lagu heshiiyo habka, hanaanka iyo wajibaadka loo egmanaayo , waxa magacaabaya Madaxweynaha. Waxa haboon  Dawlad kooban ,tayo leh , ka badnayn 10 Wasiir, awood buuxda leh , kana madax banaan amarka  Madawyanaha, siiba arrimaha  khuseeya ‘” Doorshada”.
YAA KU HABOON HOGAAMINTA “DAWLAD WADAAGA”
Madaxweynaha & Ku-Xigeenkiisu   waxay qabanyaan  “Ceremonial Functions “. Hawlaha xukuumadda waxa wadayaa  nin lagu heshiiyay title-kiisa  sida “ Caretaker First Minister “ , baarlmaankuna ansixiyo. Ninkasi wuxuu noqon doona nin lagu ogyahay aqoon, karti iyo hufnaan oo ka madax banaan sadexda xisbi qaran.  Waa ku haboon  nin kasoo jeeda Goboladda darfayadda. Shakhsiga mansabkaas  u qalmaa waa : Professor Sulaiman A.  Gulaid , President  of Amoud University ama shakhsiyaad la mid ah  .Waxa u sharaf badan Madaxweyne Siilaanyo inuu aqbalo tallo wadaag iyo wada tashi , dalkana ka badbaadiyo qalaalse siyaasdeed.
Wa bilaahi towfeeq.
Ali Ibrahim,Baqdaadi, Toronto

Comments are closed