Ethipia Oo Ka Hadashay Masiixiyiin Dalkeeda u Dhashay Oo Gudaha Libya Lagu Gawracay
Addis Ababa:April,20,2015(SDN/QJ)-Dawladda Ethiopia, ayaa markii ugu horraysay ka Hadashay Dil naxdin lahaa oo maalintii shalay ay daacishta Faraca Libya soo bandhigeen, kaas oo lagu laayey ugu yaraan Soddon dhallinyaro Masiixiyiin ahaa oo la tilmaamay inay u dhasheen Waddanka Ethiopia.
Ridwaan Xuseen oo ah Afhayeenka u hadla Dawlada Ethiopia ayaa sheegay in aanay wali si rasmi ah u xaqiijin karin in dadkaasi ay ahaayen Muwaadiniin Ethiopia ah iyo inkale, maadaama warkoodu wali ku kooban yahay dhinaca kooxdii xasuuqday.
“Inkastoo muuqaalka muujinaya dilkaasi uu soo gaadhay safaarada aanu ku leenahay Magaalada Qaahira, hadana weli ma aanan xaqiijin, waayo Muwaadiniintenu waxa ay shabahaan afrikaan badan,Waxaana waajib naga saaran inaan cambaareyno falkaasi, waayo cid waliba oo ay noqdaan si gaar ah ayan uga danqaneynaa” ayuu yidhi Ridwaan.
Ridwaan Xuseen, afhayeenka Dawladda Ethiopia, waxa uu si dadban u inkiray Jinsiyada Muwaadiniintaasi, waxa uuna qeexay inay socdaan baadhitaano.
Dhacdadani, ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo Maleeshiyada Daacish kula kacaan Ethiopia, waxa ayna tani albaab u fureysaa beegsi hor leh oo dhexmara Kooxdan iyo Ethiopia.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com