|

Somaliland Oo Beenisay Inay Cid Gaar ah ka Iibinayso Dekedda Berbera Oo Dhaqdhaqaaqyo Maalgelineed Xukuumaddu ugu Guclaynayso

Hargeysa:April,20,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa Markii ugu horraysay ka Hadashay Warar Gudaha dalka yaalla oo sheegaya inay waddo qorshe cid gaar ah loogaga  iibinayo Dekedda Berbera, iyadoo maalmahan ay jireen Tallaabooyin xukuumaddu arrintaas ku dardargelinaysay.

maxamed biixiWasirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo arrintan waxa laga weydiiyey, ayaa sheegay inaanay jirin cid dekedda laga iibinayaa, isla-markaana ay Dekeddu tahay Buqad muhiim ah oo aan iib geli kari, isagoo aan meesha ka saarin in maalgelinteeda  lagu hawllan yahay,

“Deked la iibinayaa ma jirto, Berberana sidii  hore loo yidhi wax Go’ lagu qaado ka weyn masuuliyad baa ka saaran Dawladda Somaliland in dekeddaas la ballaadhiyo oo maalgashi la geliyo, waxana naga go’an inaanu aad uga fiirsanno oo dadka usoo bandhigno, wax la iibinayaana ma jiraan.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.

Dhinaca kale waxa uu Wasiirku ka hadlay aragtida somaliland ee ku aadan dhawaaq dhiillo leh oo Midowga Yurub kaga falceliyeen Dilal qisaas ahaa oo dhawaan Somaliland Fulisay, waxana uu xusay in arrintaasi ahayd xaq somaliland isla leedahay, waxana isagoo arrimahaas ka Hadlaya  hadalkiisii kamid ahaa,

“Dadkii la laayey waxa ay ahaayeen Dad gacan-ku-dhiiglayaal ahaa oo dad laayey dadka reer Somaliland-na waa ku farxeen, caalamkana waa u sharraxnay in arrinkaasi yahay mid khuseeye Somaliland, Dawlad madax bannaan baan nahay waxa aanu samaynaynana cid noo yiidhinaysaa ma jirto.”

Iibinta ama maalgelin ay xukuumaddu ku bixiso Dekedd Berbera, ayaa si weyn looga dareemayaa Gudaha Somaliland,  gaar ahaan Magaalada Berbera, waxana haatan tiro wasiirro ahi ugu maqan yihiin dalka Dibaddiisa, kuwaas oo ku hawllan sidii ay mashaariicda Dekeddaas u gebogebayn lahaayeen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed