|

30-Masiixiyiin Reer Ethiopia ah Oo Lagu Gumaaday Gudaha Dalka Ciraaq Iyo Daacish Oo Ka Hadashay

Misrata:April,20,2015(SDN/QJ)-Islaamiyiinta Daacish faracooda Libya, ayaa markale soo saaray Muuqaal muujinaya dad haysta Diinta Masiixiga oo  la filayo inay u dhasheen Waddanka Ethiopia, kuwaas, kuwaas oo qaarkoodna Qoorta laga jarayo, halka qaar kalena Rasaas qudha lagaga jarayo.

xasoreMuuqaalkaas ayaa waxa lagu baahiyey internetka waxaana laga soo kala duubay labo meelood oo dalka Libya ah oo kala ah Barqah oo ku taala bariga iyo Fazzan oo ku taala koonfurta.

Muuqaalkan oo loogu magac daray ”ilaa iyo inta ay uga imaanayso cadeymo cad” ayaa waxa ka muuqday nin wajiga soo duubtay oo ku hadlaya luuqada ingiriiska, una goodinaya masiixiyiinta una sheegaya in aanay badbaadi doonin ilaa ay ka qaataan diinta islaamka ama ay dhiibaan lacagta jizyada ah ee laga qaado qofka aan muslimka ahayn.

Muuqaalkan oo 29 daqiiqo iyo 11 ilbidhiqsi ah ayaa waxa uu u muuqdaa in looga gol leeyahay in lagu sharaxo mawqifka Daacish ee ku aadan dadka masiixiga ah.

Waxa ay ku doodayaan in dadka masixiyiinta ah ee ku nool meelaha ay gacanta ku hayso Daacish ee ogolaaday in ay ay bixiyaan lacagta Jizyada ah in ay kunool yihiin si nabad ah, kuwii diidana ay wajahayaan dil.

Dadkan la laayey ayaa tiradooda lagu sheegay inay ugu yaraan Soddon qof ahaayeen, waxana soo kordhaya cambaaraynta caalamiga ah ee loo geysanayo dhacdadaas.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed