Saddex Kamid ahaa Askarta Kenya Ee Gudaha Soomalia Oo Shabaabku Dileen Iyo Dhaawac ay u Geysteen Tiro Kale Oo Badan
Taabto:April,20,2015(SDN/QJ)-Dablay Hubaysan oo kamid ah ururka Al Shabaab ayaa qudha ka jaray Saddex kamid ahaa Askarta kenya ee Magaca AMISOM ku jooga Somalia, kuwaas oo ay meel waddo ah u galeen.
Dilka saddexdan Askari, ayaa waxa wehelinayey Dhaawaca ugu yaraan Siddeed kale oo isla goobtaas ku dhaawacmay, iyadoo dagaalkaasina Ciidanka Kenya ku keenay Khalkhal iyo jaahwareer Keenay inay kala yaacaan.
Weerarkaan ayaa ka dhacay deegaanka Taabto ee Gobolka Jubadda hoose, xilli ciidamadan Kenyanka ay ku guda jireen howlgalo roondo ah oo ay ka sameynayeen duleedka Deegaankaasi Taabto.
Sarkaal ka tirsan Milateriga dalka Kenya ayaa xaqiijiyay geerida saddexdan askari iyo sidoo kale dhaawaca sideedan kale.
Xoogaga Shabaab ayaa ugaadhsi ku haya ciidamada Kenyatiga ee howlgalka Soomaaliya u jooga, kuwaasi oo ku sugan deeganada Jubbooyinka iyo Gedo.
Dhaq-dhaqaaqa Shabaab weli kama aanay hadlin ciidamadan Kenyattiga ee lagu laayey Gudaha Gobolka Jubadda Hoose, waxana la filayaa inay dhawaan soo saari doonaan Warbixin dheer oo dhamaystiran.
Warbaahinta Kenya ayaa tabinaysay wararka la xidhiidha saddexdan Askari ee Shabaab ay dileen iyo sidoo kale dhaawaca 8-kale.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com