|

Addis Ababa oo Kulan Gaar ahi ku dhex maray Madaxweynaha Punt land iyo Hogaamiyaha Dibad meerka ah ee Awdal State

Addis Ababa 20.April 2015 (SDN/QJ)-Cabdi Nageeye oo kooxda Awdal State ugu Magacaaban inuu u Yahay Hogaamiye ayaa sheegay inuu magaalada addis ababa ee dalka Itoobiya kulan kula yeeshay madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Gaas,kaasi oo safar ku maraya dalka Itoobiya.

nageeyeCabdi Nageeye oo ku sugan dalka Itoobiya ayaa waxa uu sheegay inay madaxwaynaha Maamulka Somaliyeed ee puntland ka wada hadleen iskaashi dhex maray kooxda Awdal State iyo maamulka puntland, wallow aanay soo hadal qaadin iskaashigaasi waxa uu noqon doono. “Wixii aanu ku kordhin karno iyo wixii ay na tari karaan ba waanu is waydiinay, waanuna isla meel dhignay”.

Cabdi Nageeye u qaabilsanaha Madaxwaynaha kooxdaasi ayaa sheegay inay doonayan in gudaha dalka Itoobiya laga sameeyo jabhad duulaan ku qaada Somaliland,kana soo horjeeda jiritaankeeda “halkan (Itoobiya) waxaan u joogaa bal in la isku ururiyo (Jabhad) si ummada looga dulqaado ummadda kale (Somaliland), waayo haddii ummadu doonayso inay halgan hubaysan qaaddo waa inay noqotaa umad isku duuban” ayuu yidhi madaxwaynaha kooxda Awdal State

Geesta kale Xogo lagu Kalsoon yahay ayaa noo sheegay in suldaan wabar gudaha Itoobiya looga yeedhay una yeedheen kooxda uu hogaamiyo Cabdi Nageeye oo ka soo horjeeda qaranimada Somaliland,wallow aanay u suurto galin sababo ay sheegeen tahli kari waa inuu galo gudaha dalka Itoobiya.

Dhaqdhaqaayada siyaasadeed ee lagag soo horjeedo jiritaanka Somaliland ee ka socda gudaha dalka Itoobiya ayaanay ka hadal labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.

Addis Ababa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed