|

“Muddo-Xileedka Madaxwaynuhu Waa Gaba Gabo….. Heshiis Qudha Oo Fulay Ma Jirto, Oo Way Baaba’een Kuwii Ay Xukuumadani Hore U Gashay”. Mudane Duur DAAWO

Hargeisa 20.April 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale “Duur” ayaa si adag uga hadlay Qorshaha Xukuumada Somaliland doonayso inay Shirkad Ajaaniba ah ku wareejiso Maamulka iyo gacan ku haynta Dekeda Berbera isaga oo sheegay in arintaasi ay tahay mid aan marnaba suurto galaynin isla markaana laga yeelaynin Xukuumada Tallada haysa ee Waqtigeedii uu gabaabsiga yahay.

duurMaxamed Nuur Caraale ” Duur” Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arimaha Gudaha S/land ayaa sidaasi ku sheegay mar uu ka hadlayay Habeenkii Xalay, Barnaamijka Hal-adayg oo Todobaadkiiba Hal Habeen ka baxa Telefishanka Caalamiga ah ee Horn Cable Tv. Mr Duur ayaa Xukuumada Somaliland ku eedeeyey heshiisyada ay la gasho Shirkadaha Caalamig ah aanay hor keenin Golayaasha Sharciga ah ee Dalka arintaasoo ahbuu mid Sharci darro ah isla markaana aan waafaqsanayn Xeerarka iyo Qawaaniinta Dalka u dajisan. Sidoo kale, waxa uu soo dhaweeyey Shirka Tallo Qaran ee ay ku baaqeen Is bahaysiga Mucaaridka Dalka, isaga oo sheegay in arintaasi timid markii Xukuumada Tallada haysaa diyaarin wayday Qorshe Cad oo Doorasho lagu qabto isla markaana ay ceeb u aragtay inay arintaasi u soo bandhigto Golayaasha, Xisbiyada iyo Bulsho-waynta Reer Somaliland. Sidoo kale, Duur waxa uu sheegay in waxa la filan karaa uu yahay Muddo kordhin loo sammeeyo Xukuumada arintaasi oo ah-buu, mid ay inta badan si wayn uga soo hor jeedsan jireen waqtigii ay Mucaaridka ahaayeen.

“Siyaasaduna waa talada Subaxaa joogta. Waana in loo meel dayaa Maalinba halkay dantu ku jirto.” Ayuu Maxamed Nuur si Aftahano badani ka muuqdo u yidhi. Sidoo kale waxa uu yidhi “Xukuumada waxa ka muuqda inaanay xaqiiqda jirta u badheedhin. Ceeb ma aha doorashadii waanu qaban kari waynay waqtigiina waa dhaafaysaa ee xal kale ayaanu haynaa.” Waxa kale oo uu yidhi “Hadii karaamada iyo Shaadhka Ummada lagu ganacsado, Xukuumadu way burburtay oo fool xumo ayaa soo baxaysa. Heshiisyada ay Xukuumadani Shirkadaha la soo saxeexato Ganacsibaa ka dhex muuqda. Waxana ugu dambeeyey Heshiiskii baarlamaanku uu laalay ee birta yar dekeda la dhex dhigtay.”

Maxamed Nuur Carraale, mar uu ka hadlayay faraqa u dhaxeeya Xukuumadii hore iyo Xukuumada waqtigan Talada haysa ayaa wuxu sheegay inay iskaga mid yihiin Heshiisyada ay soo galaan inaanay midkoodna Golaha Baarlamaanka soo hor dhigin. Hasa yeeshee Xukuumadani ay tii hore kaga duwan tahay Heshiisyada ay gasho in Ganacsi badani ka dhex muuqdo, dareeno badan oo Maanta jirana aanay tii hore lahayn ee ay ahayd Dawlad isku duuban, isagoo yidhi “Xukuumadii hore iyo Xukuumadani waxyaabo kala duwan ayay ku kala duwan yihiin qodobka heshiisyada markaa loo eego waa isku mid. Xukuumadii hore dareeno maanta jirta may lahayn. dhinacana waxqabadka tanaa ku fiican. Heshiisyada caalamiga ah isku mid weeyi, xukuumadiina horena golaha heshiisyada ay gasho may keeni jirin, tanina ma keento. Laakiin taasi(Xukuumad ahore) waxay kaga duwanayd Heshiisyada ay galayso ganacsi kuma jirin. Hasa yeeshee xukuumadan heshiisyadeeda ganacsibaa ka dhex muuqda.”

Waxa uu Bulshada Reer Somaliland kula taliyay inay Nabadgelyadooda ilaashaadaan isla markaana garab galaan Xukuumada haday u arkaan mid taag daran. Xisbiyada Mucaaridka ah ee Somaliland ayuu iyaguna kula taliyay inay dhawraan oo aanay ku adkayn Xukuumada oo hareero is taagaan. Hadii ay Doorashada qaban waydana Tallada si salmi ah kala wareegaan. Isagoo Xukuumadana kula taliyay inay Nabadgelyada ilaaliso Doorashadana waqtigeeda ku qabato. “Xisbiyada waxaan leeyahay yaan lagu talax gelin. Yaanay ina dhaxal siinin inay inaga burburto. Shacabka waxaan leenahay Nabadgelyada iyo Dawladnimada”

Hadalkan Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha ayaa ku soo beegmaya Xilli ay Xukuumadu u xadhko xidhatay Wareejinta Maamulka Marsada Berbera iyada oo aan arintaasina waxba kala socodsiin Golayaasha Sharci dajinta ee Xaqa ugu lahaa inay soo gaadhsiiso. Sidoo kale waxa jira Cabasho Xoogan oo ay arintaasi ka muujiyeen Bulsho waynta ku dhaqan guud ahaanba Dalka iyaga oo gacanta dhabanka ku haya.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed