|

“Nolosha qoysas badani waxay ku jirtaa halis!” Warsaxaafadeed Xisbiga Waddani

Hargaysa 20.April 2015 (SDN/QJ)- Noloshii bulshadu waxay gashay cidhiidhi maceeshadii dhamaan way kacday, waxaynu ku jiraa sixir bararkii ugu daraa intii aynu dawladda ahayn. Boqolkii doolar wuxuu kusii siqayaa hal-milyan ku dhawaad sarifkiisu, haddi sidan xaal maanta yahay ay kusii socoto nolosho waxa la arki doona dhacdooyin aan la mahadin. Dareen damqasho ma muuqdo waxaad mooda in maamulkeenu gumayste cadaw ah oo inagusoo duulay yahay markaad dheehato danayn la’aanta aanay dareen sanayn nolosha shacabka ee halista kusii socota.
Shay kasta cashuurtiisi waa la libin laabay ganacassaduhu ma damaqdo cashuurta korodhayna ma dhibto oo kama gilgisho mana qasaaro waxay se ka go’antahay cashuurta korodhay nolosha danyarteena aan dhaqaalaha haysan, shay kasta oo cashurta lagu kordhiyay ganacsadaha wuxuu saara oo uu ku laba jibaara bulshada la daala dhacaaya duruufa kala gedisan, haddi shalay boqolka doolar qoys masruufi jiray maanta qado ma gooyo, raashinkii, khudradii iyo adeegi dhamaan way saddex laabmeen.
Xukuumadu waxay ku jeeda waxaynaan garanayn maalin qudha maynaan arag iyadoo ka hadlaysa doolarka cirka sii gelaaya oo keenaysa xal iyo xakame lagu hakiyo saru kaca qiimaha doolarka oo nolosheenu ku xidhan tahay, maalin qudha maynaan arag xukuumaddena oo sixirir bararka xadka ka baxay ka hadlaysa qorshee iyo siyaasadna ka samaynaysa, waxaad mooda in la yidhuun cashuurta danyarta daaqa, waxaad mooda sidooda in hogasho lacagtu dhamaan bulshada hayso oo cashuurta la kordhiyaya.
Xukuumadeenu si daacada oo xilkasnimo iyo aqooni ku ladhantahay ugamay fikirin cashuraha kordhay inay ku kordheen jeebabka danyarta, mana laysu dheeli tirin nolosha bulshada iyo miisaaniyadda qaranka, kala fogaansho badanbaa ku jira nolosha shacabku siday ahayd shan sanno ka hor iyo maanta siday tahay.
Haddi aan xal degdega la helin oo aan xukuumaddu siyaasad cad ka yeelan doolarka qiiimihiisu siii kordhaayo waxa loo baqtiyi doona macaluul ay keentay siyaasad xumo iyo arxanadaro xukumadeed, dub u milicso intaanay curan xukumadan raadka kululi dhaqaalaha dalka iyo miisaanyidu way isu dheeli tiraayeen haddi bishii qofka uu soo galo boqol doolar wuxuu ku filaa nolosha qoyska.
Tusaale ahaan haddi shalay la iibin jiray boqol shillin oo shaah madoowa maanta waxa la iibsho waxa ugu yar shan boqol shaykastaa sidaasu u jibaarmay oo maciishadii iyo noloshii aasasiga ahayd u maraysa meeel aan la goyn Karin, waxa maata nasiib daro ah in xukuumaddu ku faanto cashuur la kordhiyay waxayse indhaha ka qarsanayaan oo aanay marnaba doonayn inay si dhaba uga fekeraan, cashuurta ay jibaareen cida lagu kordhiyay, inuu kordhay jeebkii shacabku oo ay isu dheeli tiran yihiin qiimaha cashurta iyo dhaqaalaha soo gala shacabku. Waxayse u cad lacagta jeebebka danyarta laga ururinaayo ee lagu buunbuninaayo miisaanayid mala-awaalka ah sidaasina maaha nidaan iyo dawladnimo waa boob iyo baadhasho budhacad sharciayasan.
Xukumadda daacada ah ee la dareenka ah shacabkeedu waa Xukumadda nolosha bulshadeeda u tudha ee ka fekerta markasta nolosha shacabku siday ku samaanayso, maanta waxaynu marayna marxalad adag nolosha aasasiga ah ee bulshaduna waxay maraysa halkii u liidatay abid, waxaynu u baahanahay gurmad.
Ilaalinta qiimaha doolarka waxa masuul ka ah bangiga dhexe, bangiga dhexe shaqadiisi wuu gabay, shaqadiisi halka ay martay bulshadu way is waydiinaysaa, xakamaynta maceeshada kor usii kacaysana wuxuu xil ka saarnayahay Xukumadda.
Afhayeenka Dhallinyarada Xisbiga Waddani
Maxamed Sadiiq

Comments are closed