|

“Reer Xaaji Ayuub in ciqaab looga dhigo waanu idinka beddelnay guddoomiyhii Maxkamadda taasi waa ceeb, wax ay ka beddelayso nidaamkii garsoorka somaliland-na ma jirto.” Cali Gurey

Hargeysa:April,19,2015(SND/QJ)-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf,Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid, Ahna Ku simaha Guddoomiyaha, ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Xilka-qaadis uu habeenkii xalay Madaxweyne Siilaanyo Ku sameeyey Guddoomiyihii Maxkamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo muddo Afar sano ku dhaw xilkaas hayey.

cali gurMujaahid Cali Gurey oo Maanta saxaafadda kula Hadlay Xafiiskiisa, ayaa sheegay  in Guddoomiyaha loo eryey arrimo siyaasadeed  oo aanay dhab ahayn Qoraalka Digreetada Madaxtooyada ku qoran ee sheegaya in Dib uhabayn Dhinaca Garsoorka ah loo eryey, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya hadaladiisii kamid ahaa,

“Nidaamkaas oo dhan in wax laga beddelaa bay ahayd, laakiin tan ma qabo sababta ku dhiigan degreetada madaxweynaha ee ah in la hagaajinayo garsoorkii oo ay jawaabtii tabashadii garsoorka tahay, laakiin waxan qabaa in sababo  kale sababta lagu beddelayna ma aha Dib u habayne waa arrimo siyaasadeed,”

Cali Gurey  waxa uu tilmaamay inaanu Markii horeba Guddoomiyaha Maxkamaddu ahayn qofkii shaqadaas ku haboonaa, isla-markaana aanu lahayn Karidii loo baahnaa, waxana uu hoosta ka xarriiqay in lagu raalligelinayey Reerka uu kasoo jeedo, waxana uu yidhi,

“ anigu markii horeba ma qabin inuu ahaa qofkii ku haboonaa maxkamddda waayo ma  lahayn aqoonteedii, Daacadnimadeedii iyo kartideedii, laakiin waa lagu jeclaa oo wixii laga fushanayaa laga fushaday, maantase markii arrimo dhinaca siyaasadda ah oo waliba reerkiisa ay gaadhay in madaxweynaha la is horfadhiisto reer Xaaji Ayuub in ciqaab looga dhigo waanu idinka beddelnay guddoomiyhii taasi waa ceeb, wax ay ka beddelaysaa nidaamkii garsoorka somaliland na ma jirto.”

Degreetada xilka lagaga qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soamlilad Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa habeenkii xalay soo baxday,waxana madaxweynuhu ku sababeeyey habacsanaan dhinaca Garsoorka ah iyo waliba wada shaqayn la’aan dhexmartay Guddoomiyaha iyo Bahda Caddaalada oo cabashadeedu madaxtooyada Gaadhay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

 

 

 

Comments are closed