Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Qisaastii Dalka Dhawaan Laga Fuliyey, Kana Markhaati Kacay Jiritaanka Eedo Musuqmaasuq Oo Xukuumadda Lagu Eedeeyo
Hargeysa:April,19,2015(SDN/QJ)-Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa ka Hadlay Aragtidiisa ku aaddan qisaastii dhawaan dalka laga fuliyey oo beesha caalamku cambaaraysay iyo waliba eedo musuqmaasuq oo loo jeediyo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, taas oo uu jiritaankeeda ka marag kacay.
Ugu horrayn mudane Muuse biixi waxa uu ka Hadlay Qisaastii dhawaan lagu fuliyey lixda Qof ee Gacan-ku-dhiiglayaasha ahaa, waxana uu tilmaamay in arrintaasi ahayd mid shacabka ka farxisay,
“Dadweynuhu waxay aad usoo dhaweeyeen oo ay ku farxeen arrintii qisaasta ee la fuliyay, waxaanay noqotay arrin nabadgelyadii wax ka tartay, waxaanan u arkaa inay tahay talaabo xaga fiican loo qaaday, waxa jira dawlado kasoo qaylyay, waan la yaabay runtii. Dawladda adduunka ku tidhaahda anagaa xuquuqda aadamaha aad u ilaalinaa waa Mareykanka, haddana iyadaa u dil badan. Qof dilay qof kale haddaan la qaban oo aan la qisaasin saw bari nin weliba nin dili maayo, marmar baan la yaabaa gaaladu markay yidhaahdaan yaan la dilin ee qofka jeelka halagu hayo, mida kale saw dad weliba diin malaha oo dhaqan malaha Illaahaybaa yidhi qisaasta noloshiinaa ku jirta, afartaa maalmood ee ka dambaysay qisaastaas la fuliyay waa la kala nastay, hore qofku ugumuu haysan haddii wax dilo inay wax gaadhayaan.” Ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Xukuumadda oo inta badan ay axsaabta mucaaradku u sibir-saaraan dibu dhac ku yimaada doorashada ayuu guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ku sababeeyay inay tahay dibu dhac sharci oo xukuumadda iyo golaha wakiilladu wadaagaan, waxaanu yidhi. “Dib-u-dhacaa in badan baa laga wada hadlay, waa la is-waydiiyay yaa dib u dhigay? Haddii dawladdu dib u dhigtay, dawladdu waxay ka kooban tahay laba waaxood, fulinta iyo sharci-dejinta sharciyaddu labadooda dhexdooda ayay taalay, garanayo waxa midna loo saaro eedda, midna looga duwo, waxbaa inaga habsaamay inta la baadhay wixii inaga habsaamay lama odhan ciddaasaa eedda leh, laakiin waxa hubaal ah in sharciyadii la fulin lahaa ay ku habsaameen baarlamaanka iyo xukuumadda, annagu weliba waxaanu u aragnaa inay baarlamaanka ku habsaameen oo sharci kastaaba muddadii la doonayay inuu kaga soo baxo baarlamaanka laba-laab iyo saddex-laab ku habsaamay. Haddaba imika dibu dhicii wuu jiraa, bisha lixaad-na doorashadii dibbay uga dhacaysaa intay dib uga dhacaysana waxa goyn doonta guurtida, waana dastuuri ka dibna doorasho ayaynu galaynaa, markaa wax buuq ah oo laga buun-buuniyo garan maayo.”
Guddoomiyaha Kulmiye oo wax laga waydiiya xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo lagu dhaliilo in hay’addaheeda uu hadheeyay musuq-maasuq baahsan ayaa kaga jawaabay dhaliishaas, waxaanu yidhi; “Horta ma dafirayo musuq-maasuq wuu jiraa, waanu sii socon doonaa, waana aafo haysata caalamka oo dhan, laakiin waanu la dagaalanay, hay’ad u gaar ah ayaanu samaynay, markaa inaanu la dagaalanay way jirtaa waana halkeeda, laakiin maanaan cidhib-tirin, waana in musuqa la dagaalankiisa la xoojiyaa, waxyaabaha keenayana waa in la yareeyaa oo la dersaa, markaa sababaha inaga musuqa inagu keenayaa way badan yihiin, qabyaaladdaa ka mid ah, faqrigaa ka mid ah, shaqo la’aantaa ka mid ah, aqoonta aynu dawladda iyo waxa dadka dhexeeya u leenahay baa ka mid ah. Tusaale ahaan fikir baa inagu ah, waxa dadka ka dhexeeya ciddina ma lehee intaada gooso ah, ma wanaagsanna, waxa ka mid ah haddii la yidhaahdo qofbaa wax cunay oo intaasoo xabsi ah ayaa loo dirayaa reernimuu u ekaanayaa oo culays siyaasi ah ayaa laga abuurayaa, waxa ka mid ah qofkii hadduu faqiir yahay oo aanu waxba haysan wax ka xaaraan ahiba ma jiraan, markaa duruufo badan baa jira.”
Muuse Biixi waxa uu intaas ku daray; “Waa in la hubiyaa oo haddii ay hantidii ummada dhaceen waa dembi, haddii maanta la qaadi waayo mar uun baa la qaadi xilligay doonto ha noqotee, waana waxaan kuu leeyahay musuqa waa lala dagaalamay oo hay’ad u gaar ah ayaa loo sameeyay, laakiin wax way dhaafi karaan, markaa waxa loo baahan yahay saxaafadda, dadweynaha iyo dawladdaba inaynu musuqa la dagaalano oo aynaan u arag in dawladdu cid u qarinayso musuqa, waana aafo dawladdaha dumiya.”
SDN/QJ