Shisheeyaha Ganacsiga Ku lahaa Konfur Africa oo ka Arrinsanaya Cabsida Nafahooda la soo deristay
Johannesburg19.April 2015 (SDN/QJ)- Ganacsatada Shisheeyaha ah ee ku dhaqan dalka Koonfur Africa aya habeenimadi xalay wada hadalo dheerada ka yeeshay rabshadaha loogaso horjeedo ee ka socda meelo baddan oo kamida dalka Koonfur Africa.
Rabshadaha ugu badan ee dadka Konfur Africaanka ah kagaso horjeedan ganacsatada shisheeyaha ah aya ka dhacaya bariga magalada Johannesburge,ee caasimadi hore Konfur Africa iyo magalada Durban ee bariga dalkaasi,ciidamada Booliska aya Adeegsaday Sunta dadka kaga ilmaysiisa iyo xabado cinjir ka samaysan si ay u kala Eryaan dadka rabshadaha samaynaya oo gaari iyo dhisme dab qabadsiiyey.
Ganacsatada Shisheeyaha ah aya galay xarumo Boolis si ay uga badbaadan banaan baxyada lagaso horjeedo,iyadoona Booliska dalkaasi ay sameeyeen 24-saac oo howlgalo dheeri ah si ay uga hortagaan xasilooni daro ka dhalata rabshadaha Banan-baxayaasha.
Banaan-baxyadan rabshadaha wata aya yimid kadib markii ay maal-mihii la soo dhaafay dalkaasi ka dheceen weeraro isxig xiga oo shisheeye nacayb ah,kuwaasi oo lagu dilay ku dhowad shan ruux.
Johannesburg SDN/QJ