|

Hay’ada Amaanka ee Konfur Africa oo ka Digay Halisaha ay Yeelan Karaan Fariimo ka dhan ah Ajaaniibta oo lagu baahiyay Mareegaha bulshada & Muuqaalada Argagaxa Leh DAAWO

Darban 19.April 2015 (SDN/QJ)- Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa ugu baaqay dadka in ay joojiyaan farriimaha aan la xaqiijin ee ku saabsan weerarada ka dhanka ah dadka ajaaniibta ah ee la soo dhigayo baraha Internet-ka ee Bulshadu ku wada xidhiidho, iyadoo sabatuna ay tahay in ay sababayaan argaggax.

dogCiidanka Ammaanka waddanka Koonfur Afrika, ayaa sheegay in ay ka welwel-qabaan waxa ay ku sheegeen in ay yihiin waxyaabaha aan sal iyo raad toona lahayn in ay sii kicinayaan rabshadaha ka dhanka ah dadka ajaaniibta ah ee ku nool dalkaas. Illaa iyo 30 qof ayaa loo xidhay rabshado xalay ka dhacay magaalada Johannesburg, waxaana sidoo kale la burburiyay Ganacsiyo dhawr ah oo ay leeyihiin dadka ajaaniibta ah.

Illlaa Shan qof, ayaa ugu yaraan ku dhimatay weerarrada ka dhanka ah dadka Ajaaniibta ah, kuwaasoo soo billaabmay ka dib markii Boqorka Qabiilka Zulu Goodwill Zwelethini uu sheegay in Ajaaniibtu ay tahay in ay dalka ka baxaan. Dadka soo galootiga ah ayaa lagu eedeeyaa in ay shaqooyinka kala wareegeen dadka deegaanka oo sabool u badan.

Dadka Ajaanibka ah ee dhibaatooyinka isugu jira dilka, dhaca, garaacista, jidh-dilka iyo gubista kala kulma dalka Koonfur Afrika, ayaa u badan dadka Soomaalida ah oo waddankaas qaxoonti ahaan ku galayey muddadii colaaduhu ka taagnaayeen dalka Soomaaliya, kuwaasoo Ganacsiyo kala duwan ka samaystay waddankaas, waxaana naftoodii iyo maalkoodiiba ku waayey boqollaal qof oo Soomaali ah oo dhac iyo dilba la isugu daray.

stopBooliska waddanka Koonfur Afrika, ayaa lagu eedeeyaa inaanay waxba ka qaban dhibaatooyinka sida badheedhka ah ay dadka reer Koonfur Afrika ugula kacaan dadka Ajaanibka ah ee dalkaas ku dhaqan, isla markaana aanay ka daba-tegin cidda dembiyada dilalka, dhaawacyada iyo dhaca u geysata dadka aan waddankaas u dhalan ee Ajaanibka ah.

Muuqaalkan Hoose Waxa uu ka Turjumayaa Xaalada dhabta ah ee la soo Deristay Ajaaniibta ku nool Konfur Africa iyo sida bahalnimada ah ee loo Ugaadhsanayo dadka u dhashay Wadamada Somalis, Ethiopians, Malawians

 

Fadlan Ka Taxadir Inaad Muuqaaladan Daawato

Darban SDN/QJ

 

contact@qurbejoog.com

Comments are closed