|

“dhibka lammaanaha kala dheer!”

naasir sawir

1. Hordhac

Qalin maal Cabdinaasir Axmed ibraahim ; Haddii aanan ka warwar qabin akhris yaraanta dad kayga, mawduucan wakhti dheer baan siin lahaa  laakiin nasiib darro,waxaa i dabraya mug qaadka akhris ee ummaddayda.”

Qormadan waxaan kaga hadli doonaa haddii rabbi xukmo;  guurka iyo fahankiisa, dhibaatooyinka caqabadda ku noqda lammaanaha kala maqan, sida ay isku xushaan iyo danaha ay kala leeyihiin lammaanaha kala dheeri, Saluugga sarriirta ee lammaanaha kala maqan, Dhaadanaan la’aanta cimriga gabadha iyo saamaynta uu ku leeyahay kala maqnaanshahu,

Mawduucan oo aan u arkay in ay hobboonnaan lahayd in wax laga qoraa ,               in dhowayd na jahooyin kala duduwan shacabka inniba meel u la kacayday, dooddi kama taagna  in dad badan ay dhaadeen dhibka arrinkani leeyahay.Geesta kale waxaa jira dad badan oo dariiqan ku sii qul-qullaya oo rag iyo dumarba isugu jira. Arrinkan lafo guristiisu waxu u baahan yahay in arrimo kale oo isla mawduucan la xidhiidha ama la hal-maala iyana qadar la iftiimiyo.Marka aynu rabno inaan sharax kooban ka bixinno laxaadka dhibka  lammaanaha kala maqan.Maadaama aan lammaane nidhi waxaa lagama maarmaan ah inaan farta ku fiiqno fahanka macnaha xidhigga ugu weyn ee lammaanahan isku haya oo ah Guurka.

2. Guurku: waa tiir ka mid ah tiirrarka nolosha, haddii noloshu habeen ahaan lahayd guurku dayax ayuu noqon lahaa, haddii noloshu “maydhax” ahaan lahayd guurku “mulaax” ayuu ahaan lahaa. Nolosha ilma-Aadan macaan iyo macno buuran ma samayso guur la’aan. Maadaama murti-maahmaaheed Soomaaliyeed tibaaxday in guurku yahay “bilowga badhaadhaha nolosha ama bilowga burburka nolosha,”sidaa darteed qof kasta oo guurdoonna waa in uu kasha ku hayaa in guurku noqon doono labadaa aan kor ku xusnay midkood. Guurku maaha passport ama sharci lagu faano,  sharafka,qiimiga iyo wanaagga guurku kuma jiro xaaskayga ama saygayga ayaa Maraykan dagan ama wax la nooca. Guurku waa in lagu shuraakoobo  wakhtiga-hantida-caafimaadka iyo nolosha.

Dhowaan waxaa dabarka goostay rag iyo haween go’aanka guurkoodu ku dhisan yahay dano gaar ah haba ugu weynaadaan “dhoof iyo lacagg’e,” inkastoo dad kii go’aanka  guurkuuda intaa ku dhisay ay markii danbe badan koodu farta dhexda ka qaniinneen.Hasayeeshee marka ugu horreysa ee qalbigaaga  guur ku soo dhaco, waxaa jira arrimo ay haboon tahay in loo kala horreysiiyo sida ay u kala horreeyaan, tusaale waxaan u soo qaadan karnaa;

–          Wakhtiga : daqiiqadda ugu horreysa ee guur kugu dhasho waxaa qurux badan in aad is waydiiso, wakhtigan aad ku jirtaa ma yahay kii ugu macquul sanaa ee aad guursan lahayd, adigoo arrimaha dhowr dhinac ka eegaya. Is waydii in ay jiraan duruufo kale oo ku gadaaman noloshaada oo saamayn ku yeellan kara yagleellidda boggan cusub ee noloshaada ee la magac baxay guurka.

–          Cidda aad nolosha la wadaaggayso? Mid ka ugu mihiimsan ama laf-dhabarta u ah aayo ka talinta guurka iyo noloshaada weeyaan in aad iska baandhayso qof ka ugu mudan ee aad nolosha wadaagaysaan. Goorta aad ku dhex jirto imtaxaanka aad ka qaadayso qofka aad rabto inaad naftaada ku aaminto,  ama nolosha ku shuraakowdaan waxaa wanaagsan in aad wakhti fiican siiso si ay kuugu soo baxdo hab dhaqan khuseeya nolosha qofka, sifooyinka ugu wanaagsan  ee aad qofka ku majeeran karto waxaa ugu horreeya, Dulqaad.karti.Dabeecad. tusaale haddaad ku qanacdo adigoo dhallinyara inaad guursato qof 20 sanno kaa weyn, dhinac kasta ka eeg waxa dhib iyo dheef ku jirta. Marka ugu horreysana waa inaad qeexdaa waxa ugu weyn ee ay salka ku hayso xulashadaadu, ma jeceyl baa? Ma dhoof baa? Ma lacag baa ? Ma qurux baa? Mise waa dan kale oo kuu gaar ah? Haddaad intaa  aan ku ku xusay ka baaraandagto kuna qanacdo, is waydii sawirka muuqaalka nolosha aad wadaagi doontaan.

–          Halkeed ku wada noolaannaysaan? dad badan oo is guursaday jibbada iyo xiisaha hore ayay la ashqarraaraan oo isma ba waydiiyaan rugta reer ka la dajinaayo, haseyeeshee wakhti kooban ka dib haddii ay kala dheeraadaan way isku soo boholyoobaan. Kala dheeraan shahaasina wuxuu qoyska ku noqdaa laf dhuun gashay.

3. Wakhtiga ay isku helaan lammaanaha kala dheer

Aa’laaba lammaanaha is qaba ee kala dheer waxay kala joogaan dalka gudihiisa iyo bannaankiisa, aynu sii kala qaadno Eeshiya,Yurur,Maraykan iyo Ustareeliya.

B) Marka aynu ka dhaqaaqno kuwa ugu wanaagsan ee qurbe ku maqan, inta badan sannadkii waxay yimaaddaan (60 habeen) sannadkuna wuxuu ka kooban yahay (360 habeen) taasi macneheedu waa in ay sannadkii kala maqan yihiin (300 habeen) toban sanno haddii ay is qabaan tirada habeen ee guud ahaan ay wakhti isku helayaan waxay noqonaysaa               (600 habeen) halka ay ka lumayaan (3000 habeen) haddii ay wada joogi lahaayeen waxay wada qaadan lahaayeen (3600 habeen)

T) Kuwa sannadkii (30 habeen) oo fasax ah hela ee dalka yimaad, waxay lammaanahooda ka maqan yihiin (330 habeen) sidii hore haddaan qiyaasta ka qaadanno iyagoo toban sanno is qaba, waxay wakhti isku helayaan (300 habeen) wadarta guud ee wakhtiga dhex ku lumaya wuxuu noqonayaa (3300 habeen)  halka haddii ay meel ku wada noolaan lahaayeen ay fursad isku heli lahaayeen (3600 habeen)

J) kuwa qaybta seddexaad waa “hadduu sii go’ay,” labadii sanno ama seddexdii sanno ayay mar yimaadaan markaa iyaga xisaabtooda wax aan calool xumo ahayn laga dheefi maayo.

4.  Saluugga sarriirta

Saluugga sarriirtu guud ahaan waa dhib weyn oo lammaanaha Soomaaliyeed soo fool saartay,

Comments are closed