Nuxurka Qoraal Uu Xubin Sare Oo Al-shabaab Katirsani Ku Faahfaahiyey Saddex Qoddob Oo Sababay Hoos u dhaca Kooxda Al-shabaab
Baardheere:April,18,2015(SDN/QJ)-Kadib markii la dareemay hoos udhac ku yimi Awooddii kooxda Al-shabaab, ayaa waxa arrintaas si mug leh u sharraxay Masuul sare oo kooxda Al-shabaab katirsan.
Suleyman Cabdi oo ku magac dheer ”Abuu ilyaas” ayaa barta Twetter-ka kusoo daabacay qoraal kooban oo uu uga hadlaayo Saddex arrin oo sabab u ah Hoos u dhaca ku yimid Alshabaab iyo Khilaafka ka dhex aloosan Kooxda.
Suleymaan ayaa qoraalkiisa marka hore ku sheegay inuu kamid ahaa Jabhada duur-galka ah, waxa uuna tilmaamay in Kooxda uu ka tirsan yahay muddo uu ku sheegay 6-sano.
Waxa uu sheegay in uu kamid yahay garabka Roobow oo fakir ahaan kasoo horjeeda qaabka loo maamulaayo Kooxda, waxa uuna cadeeyay in Garabka uu Hogaaminaayo Axmed Diiriye uu qarka u saaran yahay inay burburaan.
Suleymaan oo hal hal qodob usoo qaadanaya Saddexda arrin oo ay Kooxdu sabab u tahay inay ku daciifdo awoodeeda ayaa waxa uu yidhi:
1- Hadafka Alshabaab oo geerida Aadan Ceerow kadib noqday mid marba jiho cusub loo jeediyo, islamarkaana loo adeegsado maslaxo gaar ah.
2- Sharciga oo saldhig u noqday mid ay hoos qulquleyso ahdaaf aan muuqan dantii laga lahaa.
3- Kala shaki, tafaraaruq, aaminaansho la’aan, ka dhex curtay Kooxda iyo Hogaanka Kooxda oo u gacangalay Xubno aan ku xeel-dheeren arrimaha Jihaadka.
Abuu ilyaas, ayaa beeniyay in xiligani uu Hogaanka Sare ee Alshabaab uu dhab ka yahay Axdiga Jihaadka, sida uu hadalka u dhigay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com