FAALLO:WAA KUMA MURASHAXA XISBIGA KULMIYE?
Hordhac
KULMIYE waa Xisbiga Xukuumiga ah ee gacanta ku haya taladii dalka ee shacabka Reer Somaliland u igmadeen 2010. Ka hor waxa uu ahaa Xisbiga ugu weyn ee Mucaaridka Somaliland sanadihii 2002 – 2010. Wixii ka horeeyey bishii Juun dabayaaqadeedii oo ahayd markii loo doortey in uu Xisbigu hogaanka u qabto 4 milyan ee Reer Somaliland ah, si uu u xaqiijiyo himiladda iyo hiigsiga ummadda. Waxa aynu ka wada warqabnaa in markii taladu gacanta u gashey Madaxweyne Axmed Silanyo iyo Ku-Xigeenkiisa Cabdiraxman Saylici dhamaan Kaadiriintii Xisbiyahanka ahaa ee KULMIYE aan taladii dalka iyo guushii Xisbiga ee ay keeneen toona waxba laga siin. Taa badalkeeda waxa dib u weeraray xubno badan oo aan hore Xisbiga ugu jirijirin ama aan si toos ah uga muuqan xiligii halganka talada dalka Xisbigu ku jiray. Maqaalkan maanta waxaan ku lafa-guri doonaa xaaladdaha siyaasadeed ee uu KULMIYE soo maray, gaar ahaan 10 kii sanno ee ugu dambeeyey. Waxa kale oo aan si dhab ah u taaban doonaa cida fursadda siyaasaddu u siisay in uu dhaxalka Xisbiga KULMIYE yeesho.
KULMIYE 2002-2007
Taariikhda aan kor ku xusay ee 2002-2007 waxa uu Xisbigu ahaa mid isku duuban oo u muuqda in ay isku daacad yihiin marka dusha laga eego. Laakiin, xaajaddu sidaa waa ay ka duwaneyd oo waxa jiray xurguf hoose oo waxa afka qalaad lagu yidhaa (Win/Lose Strategy) ama khariidada mid keen ha guuleysto. Xafiiltanka hoose oo ahaa mid siyaasiyan aad u dahsoon shacabkana aan u muuqan ayaa u saamaxay in KULMIYE noqdo Xisbi Mucaarid ah oo xoog badan, isla markaana ka helay taageero balaadhan qurbe-jooga Reer Somaliland, oo yagu aad u jeclaa in is badal macno horumar dhaqaale iyo sugida qaranimo taam ah laga sameeyo dalka. KULMIYE waxa uu kulmiyey ruug cadaa siyaasiyiin qalin-miirato ah sida Silanyo, Fagadhe, Sifir, Maxamed Cabdilahi Oomaar, Ahmed Xuseen Ciise, Cadami, Cabdiraxman Tanyanle, Cali Maarshaal, Cabdi Aw-Daahir, iyo Iskeeerse. Halka Mujaahidiin waaweyn oo baryahaa duur-joog ahaana madal iskugu keenay sida Cabdiraxman Aw-Cali, Muuse Biixi, Dhagaweyne, Mohamed Kahen iyo Cali Gurey.
Waxa kale oo yaguna sida ciida u tuulmay dad kale oo magac iyo maamuus badan ku lahaa dalka siyaasadihii halgankiina qayb weyn ka soo qaatey sida Cabdiraxman Cabdiqaadir, Cabdi Haybe, Xuseen Caydiid, Abiib Diiriye, Cabdilahi Jawaan, Axmed Muxumed Madar iyo Maxamed Aar. Halka ay aqoonyahanadda iyo siyaasiyiinta dhiiga cusubi ay hormuud u ahaayeen yagoo aad ugu firfircoon shaqo kastana sida ay tahay uga soo dhalaali jiray. Waxaa yadna xusid mudan in saxaafadda madaxabanaani halganka qaybta ugu wayn lahaayeen. Sidoo kale, ganacsatada waaweyn iyo wadaadadda qunyar socodka ah oo uu hogaaminayo Cabdicasiis Samaale waxa ay laf-dhabar u ahaayeen Guusha Xisbiga KULMIYE ka gaadhey siyaasadda uu talada dalka ku hantiyey. Hugunka iyo buuqa way adkayd in lagu kala saaro cida uu odeygu ku raali yahay iyo cida ay hoos tuur siyaasadeed oo hore uu turaanturooyinkeeda ugu hadimoodey. Yeelkeeda, xukunka iyo siyaasadda UDUB in laga takhaluso waxa lagu wada ahaa raali, waana ta isku keentay aragtiyaha ashkhaasta isdiidan ee KULMIYE iyo tuurista Madaxweyne Rayaale uun ku bahoobay. Sidaa oo ay tahay meesha kama aysan maqneyn awood kala jiidasho (Power Struggle) iyo in loo kala dhawaado odeyga si hadhow aan calafka la iskugu cawryin.
KULMIYE 2007-2010
Sadex sanno gudahood oo ka bilaabmayey 2007-2010 ayaa uu bilaabmay guuxii Xisbiga Gudihiisu. Sababta inteeda badan waxa lahaa nidaamka awood raadineed ee Xisbiga guddihiisa ka jirey, dad cusub oo ku soo biirayey oo isugu jira siyaasiyiin, ganacsato iyo qurbe-joog badan. Waana markan markii shacabka Reer Somaliland ogaadeen in buuq siyaasadeed ka dhex-taagan yahay KULMIYE. Waxa kale oo jiray doorashaddii Madaxtooyadda oo dib u dhac badani ku yimi oo keentay in UDUB isku daydo in ay kaxaysato qaar ka mid ah siyaasiyiinta KULMIYE oo markii dambe ay qaarkood ku guuleysatey. Waxase xusid mudan in ay jireen siyaasiyiin han leh oo hunguri weyni kaga jirey in ay Madaxweyne Axmed Silanyo oo wakhtigaa ahaa Guddoomiyihii Xisbiga kula tartamaan Xisbiga guddihiisa.
Waxa ka mid ahaa Axmed Xuseen Ciise, waxase si lama filaan ah fursadan uga faa’ideystey Muuse Biixi oo siyaasiyan aad uga mudakarsanaa, ka mayal adkaa isla markaana aad uga hanweynaa dhamaan inta Xisbiga ku jirta ee hanka siyaasadeed leh. Waxa aan sidan u leeyahay Muuse Biixi waxa uu ahaa siyaasiga kaliya ee kalidii is wada, halka Axmed Xuseen Ciise uu isku haleynayey Shahaaddada PH.D oo uu filayey in lagu ixtiraami doono, iyo isaga oo xidhiidh wanaagsan la lahaa dawladda Maraykanka. Muuse Biixi isaga oo aad usku nabaya se uu aad u dareensan yahay Guddoomiye Axmed Silanyo ayuu si dhib yar uga takhalusey Axmed Xuseen Ciise oo dabinka ugu dhacay. Waxa kale oo uu kurka ka guray dhamaan siyaasiyiinta uu u arkayey in ay ka soo horjeesan doonaan hankiisa idman, intaa ka dibna waxa uu u cadeeyey Axmed Silanyo in la gaadhey xiligii siyaasadda afka qalaad lagu odhan jiray (you scratch my back and I will scratch yours) oo macnaheeda runta ahi yahay labadeenuba ma guuleysanaa oo waxaad dooneyso aan kuu fududeeyaa adna waxa aan rabo aad banaanka ii dhigtaa yadoo aan loolan siyaasadeed oo kale ku jirin haba yaraato e.
Farsamaddii siyaasadeed ee ugu horeysey ee uu arrintaa ugu sheegay Guddoomiye Silanyo waxa ay ahayd, markii uu ka dalbadey in Murashax Madaxweyne Ku-Xigeen Xisbiga dhexdiisa Muuse Biixi loogu boqro. Macnaha ugu weyn ee uu kalahaa Muuse waxa uu ahaa in uu diyaar u yahay in balan siyaasadeed (Political Deal) isaga iyo Axmed wada galaan. Waxa uu Muuse tusayey in uu yahay haldoorka kaliya ee guushan gaadhsiin kara Axmed, si uu isaguna ugu fududeeyo hanka mustaqbalka. Arrintan run ahaantii waxa uu Muuse u arkayey in fursad siyaasadeed uga banaan tahay. Talo iyo tashi balaadhan ka dib Axmed Silanyo xaalkiisu waxa uu noqdey tuducii gabayga ee ahaa:-
Maskii qaradda weynaa Qoratada markuu helay
Qaniin oo tufi waa Qaadey oo dhigi waa
Ha qaniinsanaaduun ilamaa qiyaamaha
Taas oo macnaheedu yahay haddii uu Muuse ka takhaluso, waayo qorshihiisa siyaasadeed marnaba hore ugu ma uusan talo-gelin in uu jaranjar u noqdo oo uu fursadan hadiyadda ah siiyo sababo isaga u gaar ah aawadeed. Marwalba waxa u cad in haddii uu Muuse tuuro kursiga uu inta badan hawsha u soo galeyna in uu raacayo. Haddii uu haystana siyaasadiisii iyo farsamooyinkii hogaamineed ee uu doonayey in mustaqbalka lagu xasuusto waxa ay u eegtahay in ay meesha ka baxayaan. Waayo Muuse iyo Axmed may ahayn saaxiibo siyaasadeed oo isku hadaf ah, isku da ah, isku waayo aragnimo iyo isku aqoon ah toona. inkasta oo uu Muuse ogol yahay Axmed oo ruug cadaa siyaasadeed ah in uu wax badan ka baran karo, isagoo isku gaysanaya waayo aragnimadiisa siyaasadeed, aqoontiisa ciidan iyo wixii uu ka dhexlay siyaasigii ruug cadaaga ahaa ee Cigaal oo uu muddo hoos fadhiyey, inkastoo markii dambe ay kala fogaadeen.
Muuse Biixi waxa uu garab iyo gaashaan ka dhigtey Maxamed Kahin oo nin daacad ah isla markaana ku wanaagsan balanta iyo qawlka siyaasadda. Waxa hubaal ah in markii bishii August 2008 Shirkii Golaha Dhexe ee KULMIYE ee ka dhacay Magaalo Madaxda Labaad ee Burco ee abuuray khilaafka weyn ee markii dambena keenay in Xisbigu laba u kala faliidhmo, uu Maxamed Kahin ku raacay Garabkii Cabdiraxman Aw-Cali ay dib u soo noqoshadiisa ka dambeysey Muuse Biixi oo ay ku balansanaayeen in uu siyaasadda ugu hiiliyo. Maxamed Kahin uma uusan soo noqon Garabka Axmed Silanyo, odeyguse waa siyaasi ruug cadaa ah oo waa uu la socdey sida ay wax u socdaan dantiisa ayaase cusleysay oo uu ka raacayey marwalba. Ugu dambeyntii Siyaasaddii KULMIYE waxa ku soo biiray oo ilawsiiyey xanuunkii burburkii Burco markii Ganacsade Maxamed Aw-Siciid oo wata dhamaan Xubnihii Golaha Fulinta ee Xisbigii UDUB marka laga reebo 5 Xubnood oo kaliya oo kula hadhey Madaxweyne Dahir Rayale ay u soo digo-rogteen KULMIYE. Waxa intaa ka dambeeyey Xubno horleh oo iskugu jira Wasiiro, Madax hay’addaha dawladda ka tirsan iyo Xildhibaano iska casiley ama ka soo wareegay UDUB oo ganacsaduhu lug weyn ku lahaa. Waana halkan meesha uu Muuse Biixi sida weyn uga faa’ideystey kana helay awooda siyaasadeed ee uu ku ogolaysiiyey Silanyo in uu Xilka Guddoomiyanimadda ku soo wareejiyo bil dabadeed doorashadda.
Guushii KULMIYE
Muuse waa Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Xisbiga KULMIYE, waana siyaasiga ugu miisaanka weyn marka laga yimaado Axmed Silanyo ee taladiisu iyo go’aankiisu socdo. Nasiib daro se, arrinkaasi ma uu sii raagin ka dib markii doorashadii 26 Juun 2010 Axmed Silanyo iyo Dahir Rayaale ku kala guuleysteen. Hadda ma aha Guddoomiye Axmed Silanyo waa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Aaden, sida ay qoreyso saxaafadda Somaliland, waxana gacanta ugu jirta dhamaan awoodii qaranka oo dhan. Waa Madaxa Qaranka, Waa Madaxa Xukuumadda, Waa Astaanta Dawladnimadda iyo xabagta dalka isku haysa iyo waliba Hogaanka Guud ee Ciidamadda Qalabka sida ee Dalka. Sidaas oo ay tahay haddana waxa uu wali madax ka yahay Xisbiga KULMIYE oo dhaxal sugaha rasmiga ahi yahay sida ku saxeexan waraaqda Golaha Dhexe ee Xisbiga ee lifaaqeeda ay sitaan Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud Silanyo iyo Muuse Biixi Cabdi.
Inkasta oo uu Muuse ahaa ninkii labaad ee Xisbiga haddana sheekaddu sidii hore ma aha oo in uu arko Madaxweynaha Qaranka wax ka horeeya in balan looga sameeyo oo uu soo maro jaranjar aad u dheer, isla markaana uu gudbiyo waraaq uu ku saxeexan yahay oo ay ku xusan tahay ujeedada uu u rabo in uu u arko Madaxweynaha Qaranka. Layaab malaha oo siyaasadda adduunka oo dhan ayaa iska sidaas ah, waana mid xaqiiq ah in ay kala duwanaadaan oo la fahmo faraqa u dhexeeya Axmed Silaanyo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo. Waxaan aaminsanahay intaa ninka aan dhaadeyn siyaasadda adduunka wax badan baa u dhiman. Nasiib wanaag se Muuse iyo Maxamed Kahin si fiican ayey u yaqaaneen faraqa u dhaxaynaya labadan ammuurood ee kor ku xusan.
Ka hor intii aanu xukumadda dhisin waxa uu Axmed la kulmey Kaadiriintii Xisbiga oo uu Muuse hogaaminayo, waxa si qunyar ah oo taxadar badani ku jiro uu ugu sheegay in uu siyaasiyan aad u door bidayo sii jiritaanka iyo taabo qaadka Xisbiga KULMIYE. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silanyo waxa uu ku hal-qabsadey in uu rabo in KULMIYE noqdo Xisbi waligii jira oo tamariya sida ANC ga Nelson Mandela ee South Africa. Waxana uu kala dooran siiyey in ay Xisbiga ku hadhaan oo ay ka faa’ideystaan iyo in ay Xukuumaddiisa soo galaan oo ay baneeyaan kuraasta Xisbiga. Inkasta, oo aaney ahayn wax ay filayeen haddana Muuse iyo Maxamed waxa ay is tuseen in ay joogaan oo ka shaqeystaan Xisbigan ay u soo garbaha beeleen. Halka qolooyin kale oo aanan jeclayn in aan magac yadooda halka kan ka sheego ay marooradilaac qaylo afka ka wadheen. Guntii iyo gunaanadkii Madaxweyne Axmed waxa uu dhistey dawlad ka madaxbanaan Xisbiga KULMIYE oo ka kooban inta badan dhalinyaro siyaasadda laydi ku ah lakin dadaal iyo xamaasad siyaasadeed ku jirto (enthusiastic and energetic). Horaa loo yidhi laba Qaydhinka wax ku qaybsatey isma cawrido e nin waliba halkii Illaahay u calfay ayuu xaadhxaadhey.
Bilawgii Mucaaridadda
Inkasta, oo muddo dheer la waayey cid mucaarid ah oo ka hortimaada dawladdii KULMIYE ka dhalatey haddana waxa aan been ahayn in intaas oo dhan KULMIYE isagu iskugu filnaa mucaaridnimo. Arrintan sababteeda ugu weyn waxa lahaa koox lagaga yimi Xisbiga se aan ku qanacsaneyn oo u aragtey in lagu guuray. Tusaale ahaan ninka isaga hankiisu Wasiirnimo ama xil kale oo dawladdeed ahaa, ee lagaga yimi KULMIYE waxa uu fahamsan yahay in fursaddii uu xaqa u lahaa la seejiyey waana ta ay ka dagaalameen kooxahaasi. Dacaayaddii ugu horeysey ee 2 bilood ka dib sida weyn u soo ifbaxdey ee odhaneysey Madaxweyne Silanyo caafimaadkiisu ma wanaagsana waxa faafiyey isla Xisbiga KULMIYE, gaar ahaan raggaa lagaga yimi ee aan ku qancin sii joogista Xisbiga.
Waxaaney uga xirsi-xidh ahayd in ay kaga jawaabaan marka dadkii ogaa xagjirnimadda xiligii ololaha doorashadda ay ku jireen sidii ay ahaayeen, iyo sida cidlada loogaga dhaqaaqey. Waxa ay is tuseen in jawaabta ugu habooni tahay in ay yidhaahdaan odeygii xanuun baa ku yimi oo waxba ma kala garanayo. Waxaan xasuustaa tusaalihii ugu horeeyey ee ay Biixiyeen kooxdaasi oo ahaa Madaxweyne Silanyo waxa uu garan waayey Madaxweyne Ku-Xigeenkiisii oo uu yidhi kan indhaha buurbuuran leh muxuu ahaa. Dhanka kale wallow ay markii dambe abuurmeen Axsaab Mucaarid ahi sida UCID iyo WADANI, haddana mucaaridad xoog badan ma aysan noqon marka laga reebo Cali Gurey oo isagu noqdey siyaasiga kaliya ee si rasmi ah u xanuujiyey dawladda Madaxweyne Silanyo.
Haddii aad dib ugu noqoto mucaaridada Cali Guray siyaasiyan waxa aad si toos ah u dareemeysaa in ay wax weyn yeeshay Xukuumadda. Sababta oo ah Cali Guray isaga oo og in uu KULMIYE guuleysanayo ayuu ka baxay oo uu UDUB u diga-rogtey, sidoo kale ma jirin sida siyaasiyiinta kale xil loo magacaabey ama dan gaar ah oo uu lahaa oo laga hor istaagay sida Madasha Wadatashiga intooda badanoo dano kala duwani isku keeneen. Waxa kale oo aynu ognahay in Madaxweyne Axmed iyo Cali Guray wallow aaney rafiiq ku ahayn siyaasadda, haddana sida kale yihiin laba ruux oo isku neef ogol marka runta laga sheegayo saaxiibtinimadda caadiga ah.
Sameysankii Madasha Wadatashiga
Wali Mucaaridad xoog badani ma jirto oo si dhab ah culays siyaasadeed ugu keeni kara Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silanyo. Ka dib doorashadii aan lagu wada qancin ee dhacday 2012 ee Golayaasha Deegaan Somaliland. Sidaas oo ay tahay haddana sameysankii Madasha oo markii hore isku magacaabay Gole Siyaasadeed waxa ay noqdeen cidii ugu horeysay ee si toos ah uga hortimaada Siyaasadda Xukuumadda. Inkasta oo ay lahaayeen iin wayn oo siyaasadeed, sababtuna ay tahay yaga oo u badnaa rag dan iyo masaalax ay lahaayeen oo ay ka waayeen Xukuumadda ama Ururaddii siyaasadeed ee ay ku doonayeen in Xisbiyo isku badalaan oo aan u soo Biixin. Badidooda marka aad eegto Xukuumadda waxa ay uga horyimaadeen labada ammuurood oo masaalax siyaasadeed ah kaliya, waana ta keentay in qayladooda inta badan dadku aaney tix-gelin badan siin. Lakin dhinaca kale marka aad eegto Xukuumaddu waxa ay u aragtaa culays weyn oo soo fuuley, waxaaney ka qabaan baqasho siyaado ah oo kaliftey in khalkhal guddhaha ay ku keento, maantana waa cabsida ugu badan ee haysa, waxa intaa u dheer Cali Guray oo neef qabad ku noqday. Waxa aan sidan u leeyahay cid wal oo xukuumadda ka tirsan oo aan arko waxa ay hadalka ka bilaabaan Cali Guray iyo Madasha Wadatashiga.
Siyaasadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE
Madaxweyne Axmed Silanyo kama soo Biixin balantii Xisbiga ay wada galeen ee ahayd in uu ninba meeshiisii ku ekaado. Wallow qolooyinkii laga tagey badidoodu marka laga reebo hogaanka Xisbigu ay weerarka gaadmadda ah ku horeeyeen ee ahaa in sababta looga tagey ay ahayd in aanu Madaxweyne Silanyo caafimaad ahaan fiicnayn. Axmed Silanyo sharci ahaan waxa uu xaq u leeyahay in uu isa soo taago marka ay shanta sano u dhamaato. Laakiin ma doonayaa in uu isa soo taago mise cid kale ayaa dabada ka riixaysa? Tani waa su’aal dad badan oo siyaasadda falanqeeyaa ama dalka u dhuun daloola ay is waydiinayaan. Si kastaba ha ahaatee Silanyo waxa uu dareensan yahay in Guddoomiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ay dagaal adag la galeen xiligii uu doorashadda u cararayey, gaar ahaan doorashaddii 2010. Sababta ay u doonayeen in uu Silanyo waayo doorashadda waxa ay ahayd yaga oo si fiican u dareensanaa in haddii uu waayo aanu fursad kale lahayn oo uu ku soo laabto yaguna si rasmi ah Xisbiga u dhaxlaan.
Waxa kalifayey in ay tan sameeyaan waxa ay ahayd way ogaayeen in aanu Silanyo marnaba talada dalka qaybtooda siineyn, hadhowna uu dib uga eryan doono Xisbiga, isagoo adeegsanaya ciyaalkiisii siyaasadda uu ku soo darsadey oo ay labada Mujaahid si fiican u ogaayeen. Siyaasadda Madaxweyne Silanyo ee maantu waa wajiyo badan marka ay noqoto Xisbiga KULMIYE, waxaana is garab yaala laba arrimood oo ay mid uu dhaboobi doonto. Waa ta hore e, Madaxweyne Silanyo ma kaga dhabeyn doonaa siyaasadda ku fadhida in uu ka takhaluso labada Mujaahid? Taasi hadda miyaaney adkayn oo aaney noqoneyn in uu Xisbigu burburo gabi ahaantiiba haddii uu sidaa ku adkaysto, marba haddii uu hore u tijaabiyey oo ay dhawr jeer ka fashilantey. Arrinta kale marba haddii ay doorashaddii dib u dhacdey in uu la heshiiyana ay qasab ku tahay si muddo kordhintu ugu suurowdo, tani ma noqon doontaa mid heshiis dambe oo ay isku aaminaan Madaxweynaha iyo labada Mujaahid uu ka dhalan karo? Akhriste labada ammuurood waxa ay ku xidhan yihiin kaliya ma aha Madaxweynaha ee waa cida haysa mafaatiixda Madaxweynaha oo yeelsiin karta ama diidsiin karta sida Xisbiga dantiisu ku jirto.
Siyaasadda Muuse Biixi
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu kaga duwan yahay dhamaan siyaasiyiinta hadda joogo, marka laga reebo Cabdiraxman Cirro iyo Gaboose hanka joogtada ah iyo hamadda in uu dadka iyo dalka hogaamiyo. Arrintani ma aha mid dhib yar, waxa jira siyaasiyiin badan oo mudakar ah aqoon iyo karti ku filan haysta, lakin nasiib daro uu ka maqan yahay hanka wax doonista (Political Ambition). Inkasta oo siyaasiyan hanka sadexdan siyaasi isku mid yahay haddana waxa ay ku kala gadisan yihiin habka iyo farsamadda siyaasadda loo maro (Political Strategy) oo ah farsamadda guusha soo dhaweysa. Hase yeeshee taa u galimaayo waayo mawduuca maqaalku kuma saabsana arrintan. Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu si fiican u fahmay siyaasadda Madaxweyne Silanyo oo uu muddo soo hoos joogay, waxa kale oo si fiican u bartay caruurta siyaasadda u fulisa Madaxweynaha oo badhkood hoos ahaan ula shaqeeyaan una keenaan warka intiisa nuxurka ah. Waana halka uu Muuse ka liici la yahay waayo waxa uu og yahay arrin wal oo Madaxtooyadda laga soo jaro, si kasta oo xadhkihiisa la iskugu dayey in la jaro, Muuse waa uu liici laayahay. Waayo waxa ay is hayaan waa dawlad ma aha shakhsi caadi ah. Haddana waa ay inoo muuqataa in uu wali isagu Xisbigii ka talinayo. In uu Madaxweyne Axmed Musharax noqdo waxba kama qabo Muuse waayo waa uu ogyahay in uu Axmed Guuleysanayo haddii ay ku tartamaan isla markaana uu khatar galin karo kursigiisa. Lakin waa mihim ah in aynu fahamno in aan cid aan Madaxweyne Silanyo ahayni aaney Muuse Xisbiga KULMIYE dhexdiisa kula tartami karin si walba haddii ay noqoto, aan ka ahayn in gabi ahaanba uu Xisbigu burburo. Wabilaahi Tawfiiq.
Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email: m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedomar1@hotmail.com