Fadeexaddii Ugu Weynayd Oo Maxkamad Puntland Ku Taalla Ka Dhacday Iyo Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Oo Xoog Kula Baxay Eedaysane Xukun Lagu Riday
Garowe:April,17,2015(SDN/QJ)-Fadeexad si weyn loo hadal hayo ayaa maalintii shalay ka dhacday Maxkamad ku taalla Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland, kadib markii ay ciidanka ilaalada Madaxtooyadu xoog ku qaateen Eedaysane Xukun lagu rigay.
Eedaysanaha Xoogga lagu kaxaystay, ayaa dacwadiisu soo taxnayd ilaa sanadkii 209-kii, waxana uu ku eedaysnaa dhac uu u geystay doon u rarnayd muwaadin kale oo ganacsade ahaa.
Eedaysanahan oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Cabdilaahi, waxana ninka doonta uu dhacay sheeganayey lagu magacaabaa Haybe Cabdilaahi Fuundi.
Haybe ayaan muddadaas dheer helin in ay caddaaladda ku kala baxaan isaga iyo ninka uu ku eedeeyey in uu dhacay hantidiisi maadaama ay suurta gal noqon weydey in la helo eedeysanaha, Haybe oo ah ninka sheegtey in doontiisi la dhacay ayaa marar badan dhacey gawaadhi ay iska leeyihiin qaraabadda ninka uu ku eedeeyey dhaca Doonidiisa, waxaase beeshiisu ku guulaysatey in ay dib uga soo ceshaan hantida uu u qabsadey doontiisi, ugu danbeyntii beesha uu ka dhashey eedeysane Maxamed Cabdi Cabdullaahi ayaa ka soo qabtey gobolka Mudug kuna soo xidhay saldhigga Garoowe.
Maxkamadda Nugaal ayaa eedeysane Maxamed Cabdi Cabdullahi ku heshey denbiga uu galey kadib markii markhaantiyaal ku caddeeyeen in uu dhacay dooni iyo hantidii saarneyd sanadkii 2009, Maxkamadda ayaa ku xukuntey saddex sano oo xadhig ah iyo in uu soo cesho hantidii uu dhacay.
Waxaa isla markiiba soo gaadhey Maxkamadda laba gaadhi oo la sheegay in ay ahaayeen ciidanka Madaxtooyada Puntland, waxaana ay gudaha u soo galeen Maxkmadda dacwaddu ka socotey, waxaana ay gaadhi ku riteen Maxamed Cabdi Cabdullahi oo maxkamaddu ku xukuntey saddex sano oo xabsi ah, horeyna reerkiisu u soo qabteen si xal looga gaadho dacwaddan muddada dheer socotey.
Hay’adda Garsoorka ayaa ah tan saddexaad ee Puntland isla markaana madax banaan, waa markii u horeysey taariikhda Puntland ciidamo gudaha u galaan kiis maxkamad dhegeysaneyso ama xukuntey isla markaana si xoog ah ku kaxaystaan qofka la xukumey, taas oo ay fuliyaan ciidamo Dowladda u diiwaan gashan oo qaba direyskii ciidanka.
SDN/QJ