Mas’uuliyiinta Gobolka Gebilay oo Dacwad u Gudbiyay Gudida Cadaalada kadib Markii ay Xabsiyada buux dhaafsheen Maxaabiis Mudo dhaaf ah
Gabiley 17.April 2015 (SDN/QJ)-Maxaabiista ku xidhan Xabsiga iyo Saldhigyada Gobolka Gabiley ayaa la sheegay in ay qaarkood muda dhaaf u xidhan yihiin ka dib markii Gudoomiyaha Maxkamda G/D/gabiley uu diiday in maxkamada la hor keeno Maxaabiistan.
Arintan ayaa ay masuuliyiinta gobolka gabilay ku sifeeyeen mid sharciga baal marsan oo uu gudoomiyuhu kula kacay maxaabiista taas oo ka dhalatay kadib markii uu gudoomiyaha maxkamadu si sharci daro ah uu u doonay inuu u siidaayo mid ka mida maxaabiista oo ay isku beel yihiin kaas oo ay ciidamada amnigu u soo xidheen fal dambiyeed dacwadiisuna ay maxkamada ka socoto, falkan oo ah mid sharciga iyo cadaalada baal marsan ee uu ku kacayo gudoomiyaha maxkamada gobolka gabilay ayey isku khilaafeen taliyaha qaybta booliska ee gabilay.
Gudoomiyaha maxkamada gabilay arintan foosha xun ee uu kula kacayo maxabiista ayaa ah mid uu ku ficishanayo in la siidaayo wiilka eedaysanaha ah ee ay isku beesha yihiin, Waxaana ay masuuliyiinka gobolka gabilay oo uu weheliyo taliyaha qaybta ee gabilay ay dacwad u soo gudbiyeen gudiga cadaalada ee jsl si ay talaabo ugu qaado tacadiga lagula kacayo maxaabiista sharci darada loogu sii hayo saldhigyada ee horgayntooda uu diiday gudoomiyaha maxkamada g/d gabilay
iyadoo la sheegay in baadhayaasha saldhigyadu ay ku soo gudbiyeen wakhtigii loogu talo galay ee sharciga ahaa oo ah sided iyo afartan saacadood gudahood, sidoo kalena dacwada ay masuuliyiinta gobolku u gudbiyeen gudiga cadaalada waxa ka mid ah eedaysanayaal weerar ku qaaday saldhiga magaalada wajaale kuwaas oo dhaawacyo kala duwan soo gaadhsiiyey ciidanka booliska ee ka hawlgala saldhigaas kadibna markii loo gudbiyey maxkamada gabilay ayaa waxa la sheegay in uu sii daayey gudoomiyaha maxkamadu taasina ay niyad jab ku keentay ciidamada amniga, isku soo wada duuboo dadwaynaha reer gabilay, iyo masuuliyiinta dacwadan soo gudbiyey ayaa sugaya talaabada ay ka qaadi doonaan gudiga cadaaladu gudoomiyaha maxkamada g/d gabilay mudane siciid geel jire, mana aha markii ugu horaysay ee dacwad noocan oo kale ah laga soo gudbiyo gudoomiyaha maxkamada g/d gabilay