“Dekeda Berbera Gurmad mooyee Gawrac uma quudho” Mujaahid Cali Guray
Hargaysa 17.April 2015 (SDN/QJ)- Madaxwayne Silanyo markii ugu horeysay wuxu ku soo qaaday khudbad sanadeedkii wayda ahaa ee aanu kaga hadlin ama si mug leh uga hadlin guud ahaan arimaha muhiimka ah in ay jiraan ilaa afar shirkadood oo shisheeye ah oo danaynaya inay maal gashadaan dekedda Berbera.
Xantu waxay maalmahan ahayd in wafti uu wasiirka Arimaha Debaddu hogaaminayaa ay u ambabaxayaan dalka Imaaraadka Carabta si ay heshiis rasmi ah ula saxeexdaan Shirkadda Dubai World oo ka mid ahayd shirkadihii Madaxwaynuhu xusay.
Ilaa iyo hadda ma jiro war ku saabsan arintan oo si rasmi ah uga soo baxay dhinaca xukuumadda laakiin Wasiirka Madaxtooyadu qoraal bartiisa Facebooga ku faafiyay iyo wararka la isla dhex marayo ama warbaahinta qaar ay sheegayaan isma waafaqsana lakiin wasiirku wuxu xaqiijiyay in safarka waftigu uu jiro isaga laftiisuna, waa sida uu hadlkiisa u dhigaye, uu hogaaminayo balse ay ku weheli doonaan laba wasiir uu mid yahay saaxiibka ay wada qadhaab taan ee sida wayn uu ugu kalsoon yahay ee Hawlaha Guud iyo Wasiirka Ganacsiga oo aan khibrad u lahayn arimaha la xidhiidha ganacsiga siiba marka ah tahay heer caalami ah in kasta oo labada kale laftoodu aanay dhaamin.
Sida uu wasiirka Madaxtooyadu sheegay waftiga wasiiradu waxay wataan oo isaguna la socda Maareeyaha Dekedda Berbera oo laga yaabo inu kala talinayo dhinaca farsamada. Hadii aanay jirin xubno qarsoon oo sidii caadada ahayd iyagu daah dabadiisa ku dhuumanaya lagana yaabo in ay yihiin cidda iyadu go’aankaba iska leh waftigu wuxu ka kooban yahay afartaa shakhsi ee bal qiimeeya mase laga fili karaa wax roon iyo inay kob caleen leh ka soo durduriyaan? Kolay anigu ma filayo waayo aqoon toodu way ka hoosaysaa inta loo baahan yahay ee ku filan inay gorgortan arinta dekeda cid kala geli karaan waa marka dhinaca danta qaranka wax laga eegayo, hadiise xaalku dan gaar ah yahay waa sidii aynu casaabadda ku niqiin oo wax ka badan lacag jeebab gaar ah ku kala xeroota oo arinka uga dambeeya ma jiro. Kolay wax kasta oo xukuumadan muddo xileedkeedii ay labada bilood ka hadhsan tahay cid la gashaa saxna ma noqon karo wax inta lexo jecladda ka qabta dalka iyo dadkuna ay ku qanci karaan ma noqon doonto.
Wasiirka Madaxtooyadu qoraalkiisa kama muuqato in ay Dubai World heshiis kama dambayn ah la soo saxeexi doonaan iyo in kale balse Dubai World lafteedu warqad yar oo ay u saxeexeen wasiir ama wasiiro ka tirsan xukuumad ay maalmo yari cimrigeedii ka hadhsan yihiin ma ku kalsoonaan kartaa in lacag gaadhaysa lababoqol oo milyan ku bixiyaan mise waxa loo ham iyo deg leeyahay waa waxooga carbuun ah oo hormarin ah iyada oon wax kale dan iyo muraad laga lahayn.
Hargaysa SDN/QJ