|

“KULMIYE Waxa Uu Arkay Inay Ummaddii Ka Sii Socoto, Meel Kasta Oo Ay Taagan-yihiina Waxay Leeyihiin Na Doorta” Marwo Faadumo Siciid

Hargeysa 17.April 2015 (SDN/QJ)- Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sheegtay in Xisbiga talada haya ee KULMIYE xiligan aanu haysan kalsoonida shacabka, islamarkaana goob kasta oo ay tageen ku baaqayaan inay waxqabad muujiyeen.

Faadumo SiciidFaadumo Siciid oo maanta ka hadashay kulan lagaga hadlayay sidii ay haweenka beelaha Gabooye taladda dalka uga qayb qaadan waxa kale oo ay sheegtay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay ku guuldaraysatay inay Golaha Wakiiladda horgayso Xeerkii kootdada siyaadaga lagu siinayay beelaha Gabooye.

“Qofku marka uu arko dadkii oo ka sii dareeyaya oo ka sii socda, waxa weeyaan siduu u soo celin lahaa inuu falawgeed qabto, KULMMIYE maanta wuxuu arkay dadkii inay ka sii socdaan oo meel kasta oo ay tagaan waxay leeyihiin wax baanu qabanaye na doorta, wixii la idinku doortay ama la idinku diido doonaa ee waxba dadka ha xiijinina. Guryihiina fadhiya.” Ayay tidhi Marwo Faadumo Siciid

Faadumo Siciid oo hadalkeeda sii wadatay, waxa tidhi “Waxaan doonayaa inaan mid idinka jaahli saaro sida la sheegay ee KULMIYE sheegay waxa la yidhi Xeerkaasi anaga wuu naga soo baxay oo Golaha Wakiiladda ayuu horyaalaa, eraygaasi maaha mid sax ah oo Madaxweynuhuna Xeer muu keenin Golaha Wakiiladda ee wuxuu keenay qoraal uu leeyahay waajibkiina ka mara arrintaa waanad garanaysaan oo Xeerbaa la keenaa oo laga doodaa lana ansixiyaa, ilaa Madaxweynuhuna Xeer keeno Baarlamaanku kama doodi-karaan, markaa waxa weeyaan dib ugu noqda oo weliba KULMIYE-yaan sheegayaa Madaxweynaha ku noqda oo waxaad tidhaahdaan Xeerkiibuu Baarlamaanku ka sugayaa.”.

Waxaanay intaas ku dartay “Eraygaa la yidhaahdo waa la idinka tirobadan yahay anigu ma jecli, haddaanu WADDANI nahayna ma ogolin la idinkama tiro badna, ma qofbaa inta uu idin soo tiryay yidhi waad tiro yartihiin?, ma tiro yaridin waxa jira beelo dhan oo idinka tiro yar, markaa idinku hoos ha isku dhigina la idinkama tiro badna, Madaxweynuhu waa kii Magacaabay xilkii Haldoor Barkhad Jaamac  Xirsi ee yidhi waa la tliyaha beelaha la haybsooco oo halkuu ka odhan lahaa waa la taliyihii arrimaha dibada iyo ganacsiga. Madaxweynuhu haddii uu idin siin lahaa Xil idiin qalma oo sharaf leh wuxuu idin siin lahaa Wasiir.”.

Hargaysa SDN/QJ

Comments are closed