|

“Al Shabaab Waxay Gudaha Kenya ka qoranaysaa Dhallinyaro falalkooda Guracan ku taageera”

Muqdisho 17.April 2015 (SDN/QJ)- Dhalinyaro lagu qiyaasay ku dhawaad 20 qof ayaa la waayay meel ay tageeen ,kuwaasi oo ku biiray Ururka Al shabab ee ka dagaallama Somaliya,waxanay dhalinyaradan u fidiyeen tababaro ay ugu qabanayso xuduudka u dhexeeya Somaliya iyo Kenya.

nairobiWarbixin ay soo ururisay BBC-da ayaa lagu sheegay inay jiraan cadaymo muujinaya in Al shabab dhalinyaro ka qoranayso gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya iyadoo golaha muslimiinta gobolkaasi loogu hanjabay Telefoono.

Wararka ayaa sheegay in wadaadada ka soo jeeda gobolka Bari ee dalka Kenya Al shabab ugu hanjabeen inay dili doonaan haddii ay soo faro galiyaan hawlaha ururka Al shabab.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed