|

Cali Cabdale Saalax oo Ka Shalaayay Taageeradii uu Xuutiyiinta Yemen Siiyay,Iyo Dalab Wakhtigiisi ka dib dhacay oo ka soo Yeedhay

Sanca 17.April 2015 (SDN/QJ) Madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdallah Saalax ayaa codsi u diray dalalka Khaliijka ee dagaalka kula jiray Xuuthiyiinta Yemen.

Cali ayaa sheegay in aanu wax taageero ah siinayn Xuuthiyiinta Yemen, isla markaana uu doonayo inuu ka baxo wadanka Yemen, waxaanu ka codsaday dalalka Khaliijka in ay waddo nabad ah u baneeyaan isaga iyo Qoyskiisa.

salah-740x401Balse dowlada Sucuudiga oo xubin ka ah Ururka dalalka Khaliijka ayaa ku gacan-saydhay codsiga Cali Cabdallah Saalax sida uu sheegay Telefishinka Aljazeera ee laga leeyahay dalka Qatar.

Cali Cabdallah Saalax iyo wiilka uu dhalay Axmed oo hogaamiya cutubyo kamid ah ciidamadii dowlada Yemen, ayaa la sheegay inay gacan siinayaan xoogaga Xuuthiyiinta ee inqilaabay dowladii Yemen.

Madaxweynihii hore oo la sheegay inuu ahaa maskaxdii ka danbaysay inay Xuuthiyiinta qabsadaan caasimada Sanca sanadkii la soo dhaafay, ayaa waxaa xayiraad dhanka socdaalka ah saaray Qaramada Midoobay bishii November ee 2014.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii la soo dhaafay cunaqabatayn kale saaray Xuuthiyiinta iyo waliba wiilka uu dhalay Cali Cabdallah Saalax.

Cali Cabdallah Saalax oo xilka isaga degay sanadkii 2012 kadib kacdoon shacab ayaa la sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay isku dayay inuu u soo baxsado dalalka Jabuuti iyo Cumaan, balse wadamadaasi ayaa diiday inay qaabilaan.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Cali Cabdallah Saalax doonayay inuu u soo baxo dhanka dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland, balse wararkaasi ayaan weli la xaqiijin.

Dhinaca kale warar ay qaar kamid ah saxaafada baahiyeen ayaa sheegaya inuu xidhiidh dhexmaray dowlada Sucuudiga iyo maamulka Puntland oo ku aadan dadka qaxootiga ah ee kasoo baxaya Yemen ee soo gaadhaya deegaankaasi in aanay ku soo dhex dhuuman taageerayaasha Cali Cabdallah Saalax.

 

Comments are closed