Xukuumada Somaliland oo Mawqif adag Iska taagtay Dalabkii Midowga Yurub ee Joojinta Xukunada Qisaasta
Hargeisa 16.April 2015 (SDN/QJ)- Xukuumada Somaliland ayaa Mawqifka adag ka istaagtay hadalkii ka soo yeedhay Midowga Yurub ee ay Somaliland kaga dalbadeen inay Joojiso fulinta Xukunada Qisaasta ah.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa lagaga hadlay sida ay Somaliland u aragto dhawaqa ka soo yeedhay Midowga Yurub kaas oo u dhigan Sidan:
“Jamhuuriyada Somaliland Waxay Ixtiraamaysaa Waajibaadkeeda sida Xubin ka mid ah Beesha Caalamka Waxayna Tixgalinaysaa Xuquuqda iyo Sharafta dadka aadamaha ah sida ku cad Dastuurka iyo sharciyada .
Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku dadaalaysa in la dhiso nabad, xasillooni iyo dimoqraadi ah qunuun leh nidaam cadaaladeed oo loo siman yahay.
Qoraalkan Wasaaradda Cadaalada ayaa lagu Cadeeyay in Dalka Somaliland aanu Joojin Xukunada dilka ah Marka la gaadho Xukunka kama danbaysta ah .
Qoraalkan ka soo baxay Wasaaradda Cadaalada ayaa lagu sheegay oo kale in Sida Wadamada horumaray ay u tixgaliyaan garsoorkiisa ay Somaliland u Ixtiraamayso Hay’adaheeda Garsoorka iyo qawaaniinta u taala isla markaana ay u hogaansamayso fulinta Shuruuda Wadanka u degsan.
Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku faraxsan tahay in Wadamada Xubnaha ka ah Midowga Yurub Taageerada Joogtada ah ee ay Siiyaan Somaliland,kaas oo ay u aragto mid ahmiyad u leh .
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com