Waa in Shacabka Somaliland Muujiyaan Diidmo ka dhan ah Dhaxal wareejinta Dekeda Berbera oo ku beegan Waqtigan kala guurka ah
Waxaa nasiibdaro ah in xukuumadani nidaamkii dawladnimo ubedeshay Hab-shirkadeed Ganacsi ah oo gacan wadaag ah. Waxaana kaaga markhaati ah isbaaradaii ay Dekeda Berbera u dhigtay Baabuurta ee shacabku ku diiday ee ay ku fashilantay xukuumadu dhawaan. Dastuurka qaranka ayaa damaanad qaadaaya oo qeexaaya in hadii ay xukuumada u hadhay mudo ka yar 6 bilood aaney maalgashi caalami la geli karin shirkadaha Caalamiga ah ee aduunka. waxaana waqtigan uu wadanka JSL ku jiraa waqti kala guur ah maadaama ay xukuumada u hadhay mudo ka yar 3 bilood mudo xileedkii loo doortay dalka, sidaa daraadeed Shirkado caalami ah heshiis lama geli karto waqtigan xaadirka ah. Hadii ay xukuumadu isku daydo in ay Dekeda Berbera shirkado ku wareejiso waqtigan kala guurka ah ee ay xukuumada u hadhay 2 bilood iyo badhka waa in shacabka reer Somaaliland ha ka horyimaadeen oo ka dhiidhiyaan go’aankaa ay xukuumadu dooneyso in ay ku wareejiso Dekeda Berbera dhawaan.
Somaliland waa wada qabyo oo ma dhameystirna dhamaan xeerarkii iyo shuruucdii maalgashiga caalamiga ahaa looga baahnaa , Tusaale ahaan Somaliland Waa qabyo oo ma dhameystirna xeerarkii adkeyn lahaa seeska cadaaladeed ee Maalgashiga hantida maguuranka ah ee Qaranku sidaa daraadeed JSL ma laha:
1- Shuruuc iyo Xeerar dhamaystiran oo Maal-gashi ( Halka Wax ka bedelista iyo kaabista xeerka maalgashiga ee JSL uu mudo dheer yaalay Golaha Wakiilada oo uu dhasku ku dhacay ) taas oo xukuumadu damacsan tahay hada in ay ka faaideysato.
2- Somaliland ma laha Shirkado Caymis ( insurance companies ) ku waas oo damaanad qaad iyo magdhowba bixiya hadii khasaare dhaco.
3- JSL ma laha Maxkamado tayo leh oo madax banaan kuwaas oo dhex u noqda hadii muran iyo ismari waa uu soo dhex galo dawlada iyo shirkadaha maalgashiga sida aynu ka dheregsanahayna maanta JSL sharciga, cadaalada iyo Garsoorkuba waa iib sida waxbarashada iyo caafimaadka .
4- Amniga oo sugan min bari ilaa galbeed taas oo ay jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa ay ku sameyso Qiimeyn amni oo sugan oo isku wada halbeeg ah.
5- Waa in Wadanku ka xor yahay Musuq-maasuqa cunsiriyadeysan ee maanta ragaadiyey ilihii dhaqaalaha ee Somaliland oo dhan,taas oo maanta la isku wada raacay in xukuumadani musuq-maasuq hadheeyey oo ay noqotay xukuumad xaaluf daaq ah oo dhoobo qaad ah.
6- Waa in wadanku yeeshaa Baanan Ganacsi oo Caalami ah ( halka ay Somaliland Baanankeedu ay hada yihiin fadhiid )
7- Waa in la eegaa shirkadihii hore wadanka umaalgashaday iyo sidii loola dhaqmay ( waxaana la ogaa Shirkadii Total ee maamuleysay Haamaha shidaalka ee berbera sidii ay ula dhaqantay Xukuumada Siilaanyo ee is ishuwan.Hadaba Su’aashu waxay tahay Somaliland Ma buuxin kartaa Shuruudahan sare?? Jawaabtu waa maya , Hadaba Maalgashigan carabka shacabka loogu soo cel-celinaayo ee lagu canqarinaayo waa ” Werdi Xeeladi Dabo Taalo “ oo macnaheedu yahay in xukuumada iyo dilaaliinteedu ay dha-dhamo dheecaan siistaan oo Dilaalis iyo Aduun buuran laga dhufsado shirkadaha quud dareynaaya in ay la wareegaan Dekeda Berbera.
Waxaa Shacabka reer Somaliland ka dheregsan yahay Heshiisyadii tirada beelay ee mugdiga iyo mad-madowagu ku meersanaa ee ay xukuumadu la gashay Shirkadaha badan ee Shidaalka sahamiya ku waas oo hada ciidan loo sameystay oo aan weli la horkeenin Golaha Baarlamaanka si ay shaqadooda uga gutaan oo u ansixiyaan. Hadaba waxaa qalad ah oo qadaf ku ah sunaha dawladnimo sifaha is bar-bar yaaca ah ee Dilaalista loogu weeraray ee loo weeteeyey shirkadahan quud daraynaaya in ay Maalgashadaan Dekeda Berbera , kuwaas oo ay ka midka yihiin;
1– Bollore oo Fransis ah
2- DP World ( UAE )
3-Prime Africa ( Saudi Arabia )
4- Kuwait Logistics ( Kuwait )
Shirkadahan waxaa u dus dusay oo udabo marteeyey Gudidii loo xil saaray si ay Dilaalis buuran uga qaataan shaqsiyaad ku xidhan xayndaabka madaxtooyada oo aan wadanka xilal ka haynin. iyada oo hada lagu jiro waqti kala guur ayaa xukuumada Siilaanyo badka soo dhigtay in Hantidii maguuraanka aheyd ee dalka la xaraasho oo ay kula shuraakowdo Ganacsato ku saleysan is xulafeysi iyo isxaafadeysi waxaana horumarkii qaranka adhaxda ka jebiyey musuq-maasuq baahsan taas oo meesha ka saartay xalibnaantii, xilgudashadii iyo isxisaabintii dawladnimo.waxaana ay arintani ay nusqaan iyo haybad la’aan ku tahay haykalkii dawladnimo.
“
Guntii iyo Geba-Gebadii Qormadan: Xukuumada Siilaanyo oo mudo xileedkeedii dastuuriga ahaa ay hada uga hadhay 75 maalmood oo keliya ma wareejin karto Dekeda Berbera ee qaranka Somaliland waqtigan xaadirka ah. Waxaa kale oo shacabka reer Somaliland lala socodsiinayaa in aanay dhameystirneyn Somaliland sharciyadii iibinta iyo wareejinta hantida maguuran ee qaranku. Sidaa daraadeed Qarankani ma laha sharcigii iyo xeerarkii adkeynaayey seeska cadaaladeed ee maalgashiga Hantida ma guuraanka ah ee Qaranka. Waxay xukuumadani ku caanbaxday Xaaluf daaq Dhoobo qaad ah oo aan waxna xeerin waxana ka xishoon. Waxaan Xukuumadan u soo jeedinayaa in ay ilaaliso maslaxada guud ee qaranka JSL oo ay ka waantoowdo in ay ilaha dhaqaalaha ee wadanka dhaxal-wareejiso una sadqeyso in 4 dilaal ay masiirkii 3.5 Million ee reer Somaliland ay sida ay doonaan ka yeelaan oo dilaalis uun siistaan
Shacabyahow Tiraa Kaa gedmane Wax isu gey geyso!
Hasha ka irmaan Habaar qabe maal
Ana hawshiyo Habeeda imari
Geeso Haydhane Lo’da hadh udiid
misna ma hadhsado ee ee
Allow sahal amuuraha Aakhiro Samaan Ooman Baa yimi’ye!!!!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi- Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.