17-Qof Oo Soomaali ah Tahriibayaal ahayd Oo Xabsiyada Dalka Masar Laga Sii Daayey
Alexandaria:April,16,2015(SDN/QJ)-Dawladda Wadanka Masar, ayaa Xabsiyada Kasii Daysay 17-Qof oo soomaali ah, kuwaas oo muddo xabsiyada ku jirey, kadib markii la qabtay iyagoo dalkaas kasii tahriibaya.
Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay in dadkaasi laga sii daayey xabsiyada magaalada Alexandaria, kadib markii la xaqiijiyey inay yihiin qaxooti xeryo dalkaasi ku jiray.
Dadkan ayaa muddooyin tobanaan maalmood ah ku jirey Xabsiyada, kadib markii lasoo qabtay iyagoo isku dayey inay tahriib kaga baxaan dalkaas, iyadoo haatan ay xabsiyada ku hadhsan yihiin 19-Maxbuus oo soomaali ahi.
Xubnaha tahriibayaasha ah ee wali ku jira Xabsiyada, ayaa waxa socda dedaallo la doonayo in xabsiyada lagaga soo daayo, waxana arrimhaas ku hawllan Hay’adaha caalamiga ah iyo Masuliyiinta Safaaradda Soomaalidu ku leedahay waddanka Masar.
Inta badan soomaalida waddanka Masar ku dhaqan, ayaa muddooyinkan dambe bilowday qorsheyaal ay si qarsoodi ah ugu raacayaan Maraakiib iyo Doonyo Dadka tahriibiya oo ka Baxa Xeebaha Waddankaas, balse Ciidamada Ammaanka oo Arrintaas dagaal adag kula jira, ayaa Dadkaas qabqabta xabsiyadana ku gura.
SDN/QJ