Magaca Wiil Soomaaliyeed Oo Haysta Dhalashada Dalka Australia Oo Lagu Dilay Dagaallada Gudaha Syria
Damascas:April,16,2015(SDN/QJ)-Warbaahinta caalamka, ayaa si weyn uga Hadlaysa Geerida wiil soomaaliyeed oo katirsan xoogagga Daacish, kaas oo lagu dilay Gudaha waddanka Syria.
Geerida wiilkan, ayaa waxa warbaahinta u xaqiijiyey Aabaha dhalay oo haatan ku sugan waddanka Asutralia, isagoo tilmaamay in Wiilal kale oo ay saaxiibo ahaayeen Soo Xaqiijiyeen.
Wiilkan oo lagu magacaabo Sharmaarke Jaamac ayaa lagu soo wargeliyay aabihii inuu ku geeryooday dagaalka Suuriya, inkasta oo aan la sheegin geerida wiilkaasi inay ka dambeysay duqeymaha dhinaca cirka ah ee ka socda dalkaasi iyo in dhulka laga toogtay.
Aabaha wiilkaasi oo lagu magacaabo Jaamac ayaa sheegay in wiilkiisa uu ku ogaa dalka Suuriya isagoo ka tegay magaalada melbourne ee wadanka Australia, isagoona sheegay inay socdeen waanwaan wiilka looga dhoofinayay dalka Suuriya.
Dhinaca kale wiilka oo la soo xidhiidhay eheladiisa ayaa sheegay inaanu Suuriya ka tegi karin duruufo uu sheegay inaanay u saamaxeynin.
Dalka Australia oo ay ku nool yihiin Soomaali fara badan ayaa la sheegayaa inay ka baxeen in ka badan tobaneeyo gabdho Soomaali ah, iyadoona Dowladda Australia ku sheegtay inay gabdhahaasi noqdeen xaasaska mujaahidiinta ka dagaalameysa dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com