|

Tahriibayaal Tiro Boqolaal Kor U Dhaafaya Oo Ku Nafwaayey Doon Ku Degtay Badda Mediterranean-ka

Rome:April,15,2015(SDN/QJ)-Ugu yaraan Afar Boqol oo tahriibayaal afrikaan u badan, ayaa geeriyooday kadib markii ay doonidii ay la socdeen ku degtay Badda Mediterranean-ka.

beerMasiibadan, ayaa lagu sheegay middii ugu xumayd ee Bishan gudaheeda ka dhacda Baddaas, waxana haatan raacdo loogu jiraa Meydadka dadkaas dhintay.

Hey’adda Bad baadada Caruurta ee Save The Children ayaa sheegtay in dhamaan dadka dhintay ay caruur u badnaayeen, waxaana socda baadigoob xoogan, iyadoo sidoo kalena ay ku jireen Haween tiro badani.

Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in ilaa 144 qof la bad baadiiyay, waxaana ay sheegeen inay rajo ka qabaan inay bad baadiyaan hadii ay jiraan dad kale oo nool.

Dadka la soo bad baadiyay ayaa sheegay in doonta ay saarnaayeen ilaa 550 qof, isla markaana ay si lama filaan ah ay u quustay markii ay badda gudaheeda ku jirtay

Midowga Yurub ayaa sheegat in ilaa jimcihii ciidamada xeebaha Talyaaniga ay bad baadiyeen ilaa 7000 oo ruux.

Muhaajiriinta ayaa u badan Carab iyo Afrikaan, waxaana dadkan u soo safraya Talyaaniga ay doonayaan inay kaga gudbaan Yurub inteeda kale, si ay nolol ka wanaagsan tii ay ku jireen ugu noolaadaan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed