|

“Diinta Islaamka 2070-Ka Horumari Doonto Diin Kasta Oo Aduunka Lagaga Dhaqmo Iyo Dadka Diimaha Kale Haysta Ee Islaamka Qaatay Oo Si Layaab Leh U Kordhaaya” Warbixin

Hargeysa15.April 2015 (SDN/QJ)-Warbixin Cilmi baadhiseed oo Cusub, ayaa lagu sheegay oo lagu saadaaliyey inay Diinta Islaamka ee Suubi, ay si xawli ugu kobcayso oo ugu baahayso dad tiro badan oo daafaha dunida ku kala dhaqan, kuwaaso oo hore Diimo kale u haystay balse hada ku dameeyeen kuwo galay Diinta Islaamka , marka loo eego dadka Diimaha ka baxa ee Diin Cusub qaata.

korodhkaCilmi Baadhistan Cusub ee lagu ogaaday Koboca iyo Korodhka dadka Diinta Islaamka qaata ama gala, ayaa waxa lagu daabacay Wakaaladda ThePress ee dalka Iran oo soo xiganeysay, Warbixin Cilmi baadhis ay sameysay Koox Khubaro ah oo lagu magacaabo (Pen Research Center), waxaana si gaar ah warbixintan loogu tilmaamay inay dadka ugu badan ee Diimaha kale ka baxa ee Diinta Islaamka galaa ay yihiin Dadka haysta Diinta Kiristaanka ee (Christians) oo iyaga warbixinta lagu sheegay inay dadka Diintaasi haysta bartilmaameed u noqotay inay galaan Diinta Suuban ee Islaamka.
Macluumaadkan ay warbixintu xambaarsaneyd,waxa ka mid ah in wakhtigan ay Diimaha kala duwan ee aduunka ka ka jiraan ugu horeyso Diinta loo yaqaan Kiristiyaanati ee (Christianity) , halka Diinta Islaamkana Cilmi Baadhistanu ku sheegtay inay tahay Diinta 2aad ee Wakhti xaadirkan Aduunka ugu weyn, balse arinta Xiisaha lehi ay tahay inay dhinaca koboca Diimaha Aduunka ka jira markii Kooxdani Cilmi Baadhista sameynaysay ay ku ogaadeen inay Caqliga ka baxsan tahay Koboca Xawliga ah ee ay Diinta Islaamka iyo dadka qaadanayaa ku socdaan oo ay ka badan tahay Diin kasta oo aduunkan dadka ku nooli haystaan.

Kooxdan Khobaradda ah ee lagu magaacabo PEN RESEARCH CENTER , ayaa waxa kale oo ay sheegeen inay Diinta Kiristaanku hada tahay ta ugu weyn Diimaha Aduunka laga Caabudo lana filaayo dadka haysta inay sannadda 2050 gaadhi doonaan Laba Bilyan iyo Laba iyo Sagaashan Milyan oo Qof (2.92 billion) halka Diinta Islaamka oo wakhtigan Koboceeda laga yaaban yahay ay Culimaddani saadaaliyeen inay sannadda 2050 dadka galay ama Haystaa ay gaadhi doonaan Laba Bilyan iyo Lix iyo Todobaatan dadka Islaamk ahi, taasi oo si xawli ah u kordheysa marka loo eego wakhtiyadii ama tobonaanka Sanno ee kolba la dhaafo.

Culimadan Cilmi Baadhista saadaasha ah Diimaha kala duwan ku sameysay, iyaga oo macluumaadka warbixintooda sii wata waxay tibaaxeen sannadda 2070 marka la gaadho inay dadka ugu badan ee Diimaha kala aaminsani ay u badan tahay inay ku qulqulaan oo galaan Diinta Islaamka iyaga oo si gaar ah Diinta Kiristiyaanka farta ugu fiiqay inay noqon doonto ta ugu badan ee dadka Islaamay ama Diinta Islaamka qaatay ay ka bixi doonaan Diinta Kiristiyaanka, halka ay sido kale ku doodeen in marka la gaadho 2100 ay dadka aduunka ku nool ee diimaha kala duwan haysta ay boqolkiiba 35 (30- percent) noqon doonaan dad Islaam ah ama haysta diinta Islaamka, taasi marka laga yimaado inay Diinta Islaamka ka horumari doonto Diinta Kiristaanka ay sido kale noqon doonto diinta 1aad ee Aduunka ugu badan diimaha aduunka laga caabudo hogaankana u qaban doonto Diimaha kale.

Warbixintan ayaa sido kale lagu sheegay inay Diinta Kiristaanku iskugu soo ururi doonto 40% (boqolkiiba Afartan ) dadka ku dhaqan qaaradda Afrika qaarkood marka la gaadho sannadda 2050, halka sida warbixintaasi lagu bayaamiyey in aanay Awood sidaasi ah ku yeelan doonin Waddamadda kala ah, Boqortooyadda Ingiriiska , Faransiiska iyo Istareeliya (United Kingdom, France and Australia.), maadamo oo sida Khuburaddu sheegeen ay cadaadis iyo Saameyn weyn Diinta Islaamku ku keeni doonto dad badanina ka bixi doonaan Diinta Kiristaanka, isla markaana waddanka Mareykanka guddihiisa sannadda 2050 marka la gaadho Diinta Islaamka dadka qaadanayaa ama gelaaya ay kor u kici doonaan in ka badan 10% taasi oo Diinta Yuhuuda ama ( Jewish Relligion) ka ay meesha ka saari doonto Diinta Islaamku
Ugu dambeyntii Cilmi Baadhistan Koboca Diimaha aduunka ku saabsan ee Khoboradda Xarunta ( PEN RESEARCH CENTER ) inay dalal badan oo aduunka ay Diinta Islaamku si xawli ah oo ka sareysa Diimaha kale ee dadku haystaan ay ugu fideyso Qaadashadda iyo Gelitaanka Diinta Islaamku, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Dalka Hindia oo laga yaabo in mudo dhaw umadda Diinta Islaamka qaadatay iyo kuwii hore u haystay marka laysku daro ay ka kor mari doonto dadka Muslimiinta ah eek u dhaqan dalka Induusiya (Indonesia) iyada oo la og yahay in dalka Indonesia uu yahay dalka ugu Amniga badan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed