Wasiirka Shidaalka iyo macdanta oo ka hadlay Weerarkii maanta lagu soo qaaday dhismaha ay dagan yihiin
Muqdisho, 14, April, 2015(SDN/QJ)Wasiirka Wasaaradda Shidaalka iyo macdanta, Mudane Maxamed Mukhtar Ibrahimiyo ayaa ku tilmaamay weerarkii maanta ‘wuxushnimo’, kaasi argagixisada nabad-diidka ah ee Al-shabaab ay maanta ku qaadeen Wasaaradaha Shidaalka iyo Waxbarashada isla markaana ay ku guul dareysteen isku daygoodii ahaa in ay hakad galiyaan dib u dhiska qaranka. Waxaa uu ugu hambalyeeyay ciidanka geesinimada ay markiiba kusoo afmeereen weerarkaasi.
“Waxaa sharaf noo ah in hay’adahani ay halkooda ka wadayaan hawlihii qaran ay u hayeen umadda. Waxayna taasi calaamad u tahay dhabar adeyga umadda Soomaliyeed ay u leeyihiin dhibaatooyinka ay nabdiidku ku hayaan, waxaan anaguna balan qaadaynaa in aan hoos uga dhicin higsiga umadda.” Ayuu yiri Wasiirka
Waxaa uu tacsi u diray qoysaska iyo shacabka Soomaaliyeed ee kuwii ay jeclaayeen lagu dilay weerarkaasi foosha-xun,. Wuxuu Allaha uga baryay in uu u naxariisto inta dhimatay, caafimaad deg deg ahna siiyo inta ku dhaawacantay
SDN/QJ-Muqdisho