|

Dalka Ruushka Oo Hub Casri ah Ka Iibinaya Waddanka Iran

Moscow:April,14,2015(SDN/QJ)-Waddanka, ayaa la sheegayaa inuu qalinka ku duugay qorshe uu hub casri ah uga iibinayo Dalka Iran, waxana la caddeeyey in hubkaas ay kamid yihiin Gantaalaha Casriga ah ah ee loo yaqaanno S-300 2007- dii.

Russia Syria IranRuushka ayaa ka qaaday cuno qabataynta inuu siiyo iran gantaalo casri ah ee difaaca cirka, waana go’aan isaga gaar u ah oo aanu caalamku la wadaagin.

Wasaarada gaashaandhiga ee Ruushka ayaa sheegtay inay hadda diyaar u tahay inay u dirto gantaalaha S-300 si dhaqso ah.

Dhoofinta ayaa ah mid u sahlan Iran iyo Ruushka xidhiidhkooda, ayuu u sheegay Wasiir ku xigeenka Difaaca ee Iran Reza Talainik, wakaalada wararka ee Tasnim.

Israel ayaa cambaaraysay warka ka soo Ruushka, maadaama ay si weyn uga soo horjeeddo tallaabo kasta oo dalka iran ku helayso  Hub noocuu doonaba ha ahaadee.

Wasiirka Sirdoonka ee Israel, ayaa sheegay inay tahay natiijadii ka soo baxday heshiiskii nuckliyeerka ee Iran.

Wuxuu sheegay inay tahay cadayn in Iran ay u isticmaalayso cunoqabataynta laga qaadayo hub, intay u isticmaali lahayd wax dadkeeda anfaca.

Laakiin, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, ayaa sheegay in gantaalaha loo isticmaalayo difaac, oo aanay khatar ku ahayn dal kale.

Maraykanka ayaa sheegay inuu kala hadlay Ruushka walaaca uu ka qabo arrintan, balse ma sheegin jawaabta uu ruushku arrintaas kaga falceliyey.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed