|

Wiil 3-Sano Jir ah Oo Toogasho Ku Dilay Midkale Oo Hal Sano Jir ahaa Gudaha Dalka Maraykanka

Cleveland:April,14,2015(SDN/QJ)-Wararka ka imanaya Magaalada Cleveland ee Dalka Maraykanka, ayaa sheegaya in uu wiil saddex sano jirey Toogtay Wiil kale oo Hal sano jirey, kaas oo ay isku goob ku sugnaayeen.

shotDhacdadan oo warbaahinta caalamku si weyn wax uga qortay, ayaa Baadhitaanno badan lagu hayaa, waxana Hubkaas wiilkaas yari dilka u adeegsaday la sheegayaa inuu yaallay aqalka carruurtaasi ku noolayd.

Dhacdadani cajiibka ah ayaa dhacday kadib markii wiilka sadax sano jirka ah uu guriga dhexdiisa ka helay qori gacmeed, kadibna uu toogtay wiilkii hal sano jirka ahaa sidaana uu ku geeriyooday.

Wiilka yar ayaa markii ay xabadu ku dhacday loola cararay isbitaalka halkaas oo uu ku nafbaxay, dadaal dheer kadib.

Falka kadib ayaa waxaa hoyga gaadhay Boolisku wuxuu sheegay inay socdaan baadhitaan lagu ogaanayo cida iska lahayd qoriga.

Booliska Cleveland ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof oo qaan gaadh ah guriga ku sugnaa markii ay arintu dhacaysay balse faahfaahin dheeraad ah lagama bixinin

‘‘Cleveland waxay maanta utahay maalin murugo, rabitaanka dheeraadka ah ee aynu uqabno qoryaha ee aan magaaladan ku ekayn waa in la joojiyaa,tani waa naf macna dari ku baxday,’’ ayuu yidhi madaxa Booliska magaalada Cleveland oo uwaramay AFP.

Dalka Maraykanka wax aka dhaca Dilal tiro badan, maadaama Hubku yahay wax dadku qaadashadiisa fasax u haystaan, waxana aqallada dhexdooda buuxa Hubkaas oo sababa dhimashada dad badan.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed