Taliye Katirsanaa Ciidanka Qaranka Oo Lagu Dilay Gobolka Sanaag Iyo Dilka Saraakiisha Oo Tusbax Furtay Noqday
Ceerigaabo:April,13,2015(SDN/QJ)-Taliyihii Guutadda 93-aad ee Ciidanka qaranka laba Xidigle Baashe Cali, ayaa waxa Toogasho ku dilay Askari ciidanka ka tirsanaa xilli uu ku sugnaa Gudaha Magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag.
Askariga dilka gaystay ayaa ka tirsanaa guutada Ciidanka ee uu Sarkaalka dhintay Madaxda ka ahaa, waxase la sheegayaa in dhawaan Shaqada laga ruqseeyey.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay taliska Ciidanka oo lagu faahfaahiyey sababta keentay Dilkan, hase-ahaatee warar aan rasmi ahayn ayaa sheegaya in Askarigu dilka la maaganaa Lacag hayaha Ciidanka uu ka tirsanaa oo ay ka dhaxeeyeen khilaaf ku saabsan Mushaharaad uu ku lahaa.
Sidaasoo ay tahay dhacdadan iyadoo todobaad qudha laga joogo markii uu Askari ka tirsan Ciidanka Qaranka ee Guutada 8-aad rasaas uu ku furay askari kale ku dilay mid kale oo Xerrada la joogay.
Falkaas ayaa dhacay Xerrada Ciidanka ee Deegaanka Gambadha goor galabnimo ah. Maxkamadda Ciidanka ayaa sida la sheegay lagu wado inay go’aan ka soo saarto dilka hore.
Cabsi xoog leh, ayaa soo foodsaartay Taliyayaasha Ciidanka qaranka ee Jiidda Bariga waddanka ku sugan, waxana wax caadi ah noqotay in askartu si dhibyar qudha uga jaraan Taliyayaashooda, iyadoo aanay jirin wali wax tallaabo ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qaadday.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com