|

Tirada Dablay Hubaysan Oo Afduub Ku Kaxaysatay Baabuur Ay Wasaaradda Maaliyadda Borama Lahayd Iyo Meesha ay Geeyeen

Borama:April,13,2015(SDN/QJ)-Dablay Hubaysan, ayaa xoog ku kaxaysatay Gaadhi Xaajiyad ahayd oo ay lahayd Wasaaradda Maaliyadda Xafiiskeeda Borama, waxana ay la galeen Dhinaca Deegaanka uu ku jiro Suldaan Wabarka Fallaagoobay.

horrQafaalashada Gaadhigan oo uu warbaahinta qaarkeed u xaqiijiyey Guddoomiyaha Gobolka Awdal Murane  Ramaax, ayaa waxa ay dhacday Shalay Subaxii Hore, waxana ay ka dhacday Gudaha Magaalada Borama.

Guddoomiye Ramaax, ayaa sheegay in Kooxda Afduubkaas Geysatay Tiradoodu ahayd ilaa iyo Saddex Nin oo Hubaysan, waxana ay darawalkii gaadhigaas ku qasbeen inuu  baabuurka Afka u saaro dhinaca Xadka u dhexeeya somaliland iyo Ethiopia oo ay fallaagadu ku sugan tahay.

Sida Badhasaabku sheegay waxa Gaadhiga ka daba tegay Koox Ciidan ah, balse uma ay suurtogelin, waxana ay Maleeshiyadii Afduubka geysatay si dedgdeg ah ku galeen Xadka Ethiopia oo lagaga soo hadhay.

Kooxdaas ayaa la sheegayaa inay muddo ku dhex dhuumanayeen Gudaha Magaalada Borama, waxana u suurto gashay rabitaankoodii ahaa inay Gaadhigaas Dawladda Afduubaan.

Mudane Ramaax, ayaa sheegay inuu Faahfaahin dheeri ah bixin doono, isla-markaana waxa uu muujiyey sida uu uga  xun yahay in ay Ethiopia How u noqoto maleeshiyo fadqlalo ka wadda Gudaha somaliland, lsla-markaana Amni xumo ku Hawllan.

Waa Markii ugu horraysay ee Maleeshiyada Suldaan Wabar ay si badheedh ah Gudaha Borama uga geystaan Afduub xoog ah, waxana arrintani muujinaysaa in Habacsanaan loo muujiyey Kooxdaas Fallaagada ah.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed