Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland oo Keliya ayaa Shir Guud iyo Ducaba Beesha u Iclaamin Kara
Bilawgii 1993 kii ayaan Dalka Dib ugu soo laabtay, Aniga oo Qurba Joogga Somaliland Kala mid ahaa Ambition ka iyo Damaca Siyaasadeed. Mar aan u ahaa 40 jir, Marnna aan Khirad dheeri ah oo Caalamiyah aan Tirsanaayey!!!
Kolkan Dalka Joogay 8 Bilood ayaan Qaraar Ku Qaatay in aan ka Tanaasulo Damacaygii Siyaasadeed oo aan Siistay in aan Beeshayda u Adeego, Kolkan arkay Wakhtiga Adag ee Kaka Guurka ah ee Dalku ku Jiro!!!
Sidaas ayaan u Doorbiday in aan ta Guud ee Beeshayda iyo Ta Caam ahaaneed ee Beelaha Ciidagale aan ugu Adeegaa si Beel Mujtamaca Kaalin Jiritaan Mudan aan ugu Abtirsada Wal Xamdullilaah Illaahayba igu Asturay.
Nuxurka Qormadan:
Suldaan Guud ee Beelaha Somaliland oo Kala Diray Guddidii Horumarinta Ciidagale, Xukuumaddana Ka Dalbadayin Ciddii Magaca Guddida Ku Hada
………………………… ………………………… ………………………… ……………………….
February 1,2015
Hargeysa 01 Feb.2015 ( SDN/QJ ) Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo A y Weheliyaan Cuqaasha iyo Madax dhaqmeedka Ardaayada BeelahaCiidagale ayaa Maanta Magaalada Hargeysa Kaga Dhawaaqay Inuu Kala diray Guddidii Horumarinta Beelaha Ciidagale oo Muddo Dhaafay. Suldaanku waxa uu sheegay in imika wixii ka danbeeya ay Talada Beeshu Gacanta ugu Jirto Cuqaasha iyo Salaadiinta Beesha, guddidaasina aanay haba yaraatee ku hadli karin magaca guddida ay matalaan.
Maanta oo April 12,2015 Axad, Kolkan Daraasad iyo Wada Tashiyo aan ku Sameeyey, Go’aanka uu Suldaanku Ku Kala Diray Guddidii Horumarinta ee Beelaha Daa’ud Ismaacil oo aan ka mid ahaa, Balse aan iska Casilay August 2011, Sababo Awgeed, Waxan Qoraalkaygan ku Iclaaminayaa oo aan Taageersanahay, Guntinta Soo Jireenka ah ee Suldaanka Guud ee Beelaha Cidagale ka Dhaxeeya, Waxan Ixtiraam & Qadarin aan u Hayaa Madax Dhaqmeedka Ardaa ama Beel oo Ka Mid ah Beelaha Ciidagale ee Midnimada iyo Jiritaanka Beesha naga Wada Dhaxayso:
1 ) Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed uu Kala Diri Kara Guddidan Horumarinta Beesha oo 03/07/2011 oo Xilkan loo Magacaabay. Maadaaama ay Muddadii Xilka ay dhaaftay, Sharciyadda kala dirista iyo Magacaabista Guddi soo Qabanqaabisa Shir Guud waxa ku Dhawaaqi kara Suldaanka Guud.
2 ) Shirka Guud ee Beelaha Cidagale, Ducada iyo Kulamada Beesha Waxa ku Dhawaaqi Kara Suldaanka Guud ee Beesha isaga oo kala Tashanaaya Guddida Guud ee Sharciyan kolkaa u Dhisan. Cid kale Shir Guud Beesha u Iclaamin Karta ma Jirto.
3 ) Weedhii Taariikhiga ahayd ee DR. Xuseen M. Maxamed Was. hore Caafimaadka:
,,Sidaa Ayaan xikii ku qabtay waxaana la ii dhaariyey wasaarad qaran, Caafimaadka Bulshada Somaliland in aan kor u qaado ayaa la ii dhaariyey, Balanqaadka iyo dhaarta wax kale oo dheer ayaa jirta, waxaa jirta masuuliyad kale oo aan Madaxweyne kuu sheegayn oo aan dhaartana ku jirin oo dhexda laga sii qaato Taasi oo ah in aad Reerka iyo dawlada isku xidho,,.
XIlaalka Wareegtada Madaxtooyada lagu Magacaabo, Sida Xukuumadda Xilka uga Saaran yahay Nabadgelyada iyo Horumarinta Dalk oo Muwaqad ah, inta ay Talada Hayso ayaa Beelaha Dalkana uu Waajib uga Saraanyahay Nabadgelyada iyo Wada Noolaanshaha Beelaha Dalka. Ninka Xilka loo Magacaabay iyo Madaxda Magacawdayba, Waxan uga Digayaa in Nin la Magacaaabay aanu Shacabka iyo Xukuumadda ka dhex Raadin in uu Iska Horkeeno si uu Kursigiisa ugu Nagaado!!!
4 ) Hab Dhismeedka Beelaha Somaliland Danaha iyo Masaalixa Beelahu Waa Kaabayaasha Maamul Wanaag Dawladnimo iyo Wada Shaqaynta Shacabka iyo Xukuumadiisa, Dawladda Waxan ugu Digayaa inay Sas iyo Dareen Qaloocan ay ka Qaado Danaha Beelaha. Beel ahaan Waxa noo Dhisan oo noo Diiwaangashan Ururada aanu ku Dhaadano:
1 ) Ururka Gaaroodi
2 ) Ururka Hablaha Gaaroodi
3 ) Ururka Qalinka Daa’ud
4 ) Ururka Gacan Qabad
5 ) Ururka Haldoor
Digniin;
Waxan Maalmahan Warbaahinta ku Arkaayey Ururo kala Sheegtay Barkhadle & Horseed oo Magaca Beesha Sheeganaaya, Waxan, Halkan ku Caddeynayaa in labada Urur aanay Beesha Meelna Uga Diwaangashaneyn lana Ogyahay halka iyo Sababaha loo soo Samaystay. Waxan Dhallintan ugu Nasteeexaynayaa oo aan ku soo Dhaweynayaa 5 tan Urur ee Beesha u Adeega.
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika Swedeb