|

Baqo Carar Sababay Dhaawaca Boqol Arday oo Jaamacada Nairobi Dabaqyada Sare ka soo booday iyo Hal arday oo Ku naf waayay

Nairobi 13.April 2015 (SDN/QJ)- Hal arday ayaa ku naf waayay in ka badan  100 arday oo kalena waxaa ka soo gaadhay dhaawacyo kadib markii uu Qarax dhinaca Korontada ahi ka dhacay Jaamacada Magaalada Nairobi faraceeda Kukuya iyadoo arday badani ay iska soo Tuureen dabaqa 5aad ee dhismaha Jaamacada.

gigArdayda, ayaa ka soo booday dabaqyada ay ka kooban tahay Jaamacadda Magaalada Nairobi, waxaana la arkaayay iyagoo ku qaylinaya inay argagixiso Jaamacada soo gashay. Waana taas amuurta sababtay inay qaarkood ka soo boodaan dabaqa 5aad ee Dhismaha Jaamacada.

Qaraxa laga dhex maqlay Jaamacadda, ayaa ahaa mid ka dhashay korontada lagu dhex isticmaalo Jaamacadda, waxayna ardaydu moodeen in weerar argagixiso lagu soo qaaday.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in ardaydan Maskaxdooda ay ka dhex guuxaysay falkii argagixiso ee ay ku naf waayeen in ku dhow 150 arday oo Wax ka baranayay Jaamacada Gaarisa .

Inta badan dhaawacyada, ayaa la kala dhigay Isbitaalada Kenyatta iyo Kikuyu ee Magaalada Nairobi, si wax looga qabto xaaladooda caafimaadeed.

Ardayda qaarkood, ayaa waxaa la soo sheegayaa in si weyn ay ugu jajabeen ka soo boodida dhismaha dheer ee Jaamacadda. Waxayna tani walaac xoogan ku keentay waalidiinta dhalay.

Geesta kale Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoray in dhaawaca soo gaadhay qaar ka mid ah ardaydu uu yahay Mid halis ah marka loo eego dabaqa shanaad ee ay iska soo tureen iyagoo baqe carar ku jira.

 

 

Comments are closed