|

” Hadii Doorashada la iigaga Guulaysto waan aqbalayaa Natiijada” Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Somalida Itoobiya

Jigjiga, 13 April 2015 (SDN/QJ)-Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegay in Xisbiga talada hayaa aqbali doono haddii laga guulaysto doorashada deegaanka ka dhacaysa bisha soo socota.isla markaana Xisbigooda talada haya iyo asxaabta kaleba ku khasban yihiin inay aqbalaan natiijada ka soo baxda codaynta shacabka ee doorashada bisha May.

ileyMadaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar wuxuu sidaa ka sheegay waraysi uu siiyay idaacadda afka soomaaliga ah ee BBC-da “Doorashada waxaanu ugu diyaar garownay si dadka lagu kasbanayo oo loo soo bandhigayo waxqabad iyo horumar, waxa lagu tartamayaana waxa weeye qalbiga iyo aragtida shacabka, markaas taana waxaa lagu xaqiijin karaa waxqabad cad oo ay arkaan oo ay ugu xishaan dawladda iyo jiritaankeeda. Waxaan aaminsanahay inaanu haysano wax shacabka la hor dhigo” ayuu yidhi Mudane Cabdi Maxamuud.

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa sheegay in doorashada ay ka qayb qaadanayaan musharaxiinta 5 Urur oo doorashada ku tartamaya “Ururka talada haya iyo 4 urur oo kale ayaa doorashada ku tartamaya,markaa waxa weeye in doorasho dimuqraadi ah dalka ka dhacdo oo dadku si xor ah oo nabad galyo ah codkooda ku dhiibtaan.”

Madaxweynaha kililka 5-aad oo la waydiiyay inay doorashada hannaynayaan haddii lagaga guulaysto waxa uu ku jawaabay “Haa, waxa weeye go’aanka shacabkaa iska leh. Cidda ay talada u dhiibtaan baa xilka qabanaysa cida ay yidhaahdaan ma qabanaysana dee ma qabanayso, waa loo hogaansamayaa waanan ku khasbanahay inaan go’aanka shacabka aqbalo. Haddii Xisbiyada kale ku guulaystaan iyagaa dalka maamuli haddii laga guulaystana waa la maamuli arrintuna waa intaas uun”

Comments are closed