|

Madaxdii ururka Ikhwaanka Masar oo xukun dil ah lagu riday

Qahira April 12,2015(SDN/QJ)-Maxkamad ku taal dalka Masar ayaa xukun dil ah dul dhigtay madaxdii sare ee ururka siyaasiga ah ee Ikhwaanka oo mudaba xabsiyada dalkaa ku jiray.

Hogaamiyaha Ikhwaanka Masar Maxamed Badiya iyo 13 kale oo ka mida madaxda sare ee ururkaas ayaa xabsiyada la dhigay ka dib kolkii xilka afgenbi looga tuuray madaxweynihii u horeeyay ee xukunka kula wareega doorasho Maxamed Morsi sanadii 2013kii.

Taliyihii ciidamada ee afgenbiga talada uga tuuray Maxamed Morsi oo haatana ah madaxweynaha Masar ayaa Ikhwaanka ku eedeeyay in ay ka danbeeyaan khalkhal daalkaasi galay afganbigii 2013kii ka dib.

Ururka Ikhwaanka ayaase iska fogeeyay colaada ay Islamiyiintu dalkaa ka hurinayaan isla markaana sheegay in wadaan olole siyaasadeed oo selmi ah.

Ururada u dooda xuquuda aadanaha ayaa dhaleeceeyay hab dhaqanka maxkamadaha Masar iyo sida reer Galbeedku uga aamusan yihiin xadgudubyada xukuumada Al sisi.

SDN/QJ-Qahira

contact@qurbejoog.com

Comments are closed