“Xiddigaha Geesku waa inta aynu Geeska iyo Gobolkaba dheer nahay” Boobe Yuusuf Ducaale
Calanyahow la gaafee,
Saddex midab u gaar tahay,
Magac Guulle iyo Nebi,
Guudkiisa lagu qoray,
Kii hore kuwuu gabay,
Iyo gacaladoodii,
Ayaad gaar u noqotoo,
Iyagaa ku geya abid,
Goblan iyo agoon baa,
Geesaha ka joogoo,
Lafo geesi iyo dhiig,
Ayaan kugu gelbinayaa,
Heesta, Guudkaan kaa huwanayaa, Muxumed Xaaji Soofe (Kaneeco)
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Hargeysa, 12/4/2015ka,
Qormada: 1aad
Taxanaheennii waayahanba inoo socday cakiran daarranaa aynu yar dagagarno oo cabbaar iskaga yar badhaxno Qormooyin kooban oo faneed. Taxanaheennii waa aynu ku soo noqon doonnaa haddii Eebbe dimo.
Haa………Waa Hargeysa. Waxaan u jeedaa magaalada Hargeysa oo aan ku han weynahay in ay tahay horyaalka magaalooyinka Soomaaliyeed, marka laga eego heesaha loo tiriyay oo aanay cidna laba ku ahayn bal se ay horyaal u tahay. Arrintaasina sahal iyo wax fudud maaha. Heesahaas tirada beelay iyadu oo keli ahi isuma tirin ama dad Somaliland u dhashay oo keli ahi uma tirin e’, dad Soomaaliyeed oo meelo badan ka soo jeeda ayaa u huray oo ku muuneeyay. Waa hoyga fanka Soomaaliyeed. Waa dugsi ma-guuraan ah oo ay ku barbaaraan kuna tababartaan fannaaniinta Soomaaliyeed. Waa bud-dhigga taariikhda war-baahinta Soomaaliyeed, maa-daama Radio Hargeysa laga furay 1941kii. Waa bartii ay ka bilaabmeen Heellooyinka Qaraamigu. Balwadii oo Boorame ka curatay ayaa ka horreysay. Sow tii la lahaa: “Balwadii baxsatoo, barey qabatee, ‘Bigfoor’ ma ku baadi-doonnaa.” Hargeysa waa halkii lagu ballaysimay Masraxa Soomaaliyeed, gaar ahaan, qaybtiisa Hereriga ah ama Hargeysaawigaba ah. Hargeysa, waa saldhiggii ay ku barbaareen ee ay beryaha qaar ka heesi jireen Walaalo Hargeysa oo ay Idaacadihii Soomaaliyeed ee beryahaa jiray oo dhami soo xigan jireen. Sidaas ayay Kooxdii Walaalo Hargeysa ku ahayd calan-sidihii fanka Soomaaliyeed.
Hargeysa oo Somaliland oo dhan ka wakiil ahi marna ma ay bannayn kaalinta ma-dhaafaanka ah ee ay kaga jirto guud ahaanba hagidda iyo horumarinta fanka Soomaaliyeed. Kooxaha kale ee ma-hadhada reebay ee dal iyo dadba soo maray waxa ka mid ahaa Kooxdii Barkhas ee ay ku bahoobeen guud ahaanba yeekayaashii fanka Soomaaliyeed ee toddobaatannadii. Ma lammaanihii laga dabo-dhacay ee Ilma Mooge Liibaan Babban baa……..Ma Axmed Maxamed Good baa……..Ma Axmed Cali Haaruun baa (Dararamle)……Ma Feysal Cumar Mushteed baa…….iyo qaar kaloo badan…..iyo qaar kaloo badan, waa halkii Maxamed Mooge e’.
Sida orodka qaarkii qoryaha la isugu dhiibo ayaa fankana la isugu dhiibaa oo weligii ma dhinto mana iisho. Haddii calankii Walaalo Hargeysa beryaha qaar ka dul babban jiray Hargeysa, maantana waxa halkoodii ku jira oo kaalintoodii buuxiyay Xiddigaha Geeska oo run ahaantii ah inta aynu Geeska iyo guud ahaanba Soomaali dheer nahay.
Kooxda Xiddigaha Geesku waxay heesihii ugu horreeyay soo saareen 2011kii iyaga oo aan ahayn wax Koox ah bal se ay kulmisay hibada rabbaaniga ahi, waxaanay 2/2/2013kii yeesheen Magac, Maamul iyo sharci. Kooxda waxa loogu wan-qalay Xiddigaha Geeska waxaana bixiyay Xasan Saleebaan Dhuxul oo loo yaqaanno Laab-saalax,mar uu iiga warramayay taariikhda Kooxda.
Kooxda Xiddigaha Geesku waxay u dhisan tahay:
Guddoomiye: Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax),
Guddoomiye-ku-xigeen: Axmed-weli Ibraahin (Furinle),
Xoghayaha Guud: Caydaruus Ismaaciil Cabdi,
Waxa intaas raaca Xubnaha Kooxda Xiddigaha Geeska oo gaadhaya ilaa 32 xubnood ama fannaan oo ka kooban:
Fannaaniin, Abwaanno, Muusigyahanno, Kamanyahanno, Qorayaal, Suxufiyiin, Maadeeyayaal, Jilayaal, Farsamo-yaqaanno iyo qaybo kale.
Xiddigahan Kooxda ka tirsani waxay isugu jiraan rag iyo dumar ku kala nool daafaha dunida: gude iyo dibadba. Hadba cidda cusub ee ku soo biireysa waa laga fadhiistaa si loo oggolaado, waxaana jira sharci Kooxda Xiddigaha lagu maammulo oo heshiis lagu yahay.
Xiddigo badan oo caan ah ayaa ka tirsan Kooxdan Xiddigaha Geeska. Waxa ka mid ah kuwa ugu caansan Maxamed Siciid oo loo yaqaan BK. Markii iigu horreysay ee aan shaashadaha ka daawaday ama ku arkayba waxay ku beegnayd ilaa 2010kii. Waxaan xusuustaa heestiisii ugu horreysay ee xusuusta la yaabka leh igu reebtay. Maalmahaas, waxa Jabuuti ka soo xagaa-baxday walaashay Ruqiya-Caneb oo xanuunsnaysay. Habeen, habeen ayaanu wada daawan jirnay hees waddaniya oo Maxamed BK qaadi jiray hablona u jiibinayeen. Waxay ahayd hees waddaniya oo uu curinteeda iska lahaa Mujaahid Muxumed Xaaji Soofe Kaneeco, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’. Magaca heestu wuxu ahaa “Guud kaan kaa huwanayaa.” Walaashay Ruqiya-Caneb markii ay Jabuuti ku noqonaysay waxay iga codsatay in aan u soo duubo, iyada oo habeen walba sugi jirtay in ay shaashadda mar kale ku aragto. Waxay iga codsatay in aan u soo duubo oo Jabuuti ugu diro, bal se ma ay calfan oo 14/12/2010kii ayay xijaabtay. Xusuustaas ayay BK iyo heestaasi igu leeyihiin. Dareenka Kaneeco ku curiyay iyo dareenka BK ku qaaday ayaan labadaba la wadaagaa. Xusuustaasina waa halkaas.
Si aad iila dhandhamisaan Heestan qiimaha iyo qiiradaba leh, aan idiin soo qoro beydkeedii 2aad, waxaanu Mujaahid Kaneeci yidhi:
Intaan goor xun kuu kacay,
Intaan baadi-goobkaa,
Gudcur dem ah xas kuu maray,
Gabadano qabow badan,
Gacmaa laabtay socodkii,
Intuu guluf i weeraray,
Gabbalkawgu riday dirir,
Kii garanayaa garan,
Anna iigu mudan gaar,
Intaasoo gedaafii,
Iyadoy i gaadhaad,
Godob-laawe ii tahay,
Taqsiin labada beyd ee heestan kala soorta ayaa ah:
Ku maad iman gibliyo sacab,
Guulle kuma ceshee,
Ha u noqon gadaal,
Geyi-nuure noo noqo,
Iyo ubad gardaadshaba,
Jiibta heestanina waa:
Guudkaan kaa huwanayaa,
Gaajo-tire Ilaahay,
Gebigaa ha kaa dhigo,
Gama’shina ka dheerow,
Godob-reebe noo noqo,
Iyo gacal-ku-hirashada,
Qormada: 2aad
Ujeeddada Kooxda Xidigaha Geesku waa in ay horumariyeen fanka ka dhexeeya ummadda af iyo dhaqan-wadaagta ah ee Soomaaliyeed, isla markaana ka turjumaan dhaqanka suubban iyo hiddaha Soomaalida ee dhowrsan.
Kooxda Xiddigaha Geesku waa Koox da’ yar oo aad iyo aad isugu xidhan. Sidii aynu hore u soo sheegnay dalka gudihiisa iyo dibaddaba waa ay joogaan. Waa dad hees-wadaag iyo suugaan-wadaagba leh. Waa koox xinka iyo xasadkuba ku yar yahay oo isu hura heesaha, codadka iyo suugaanta kale ee ay wadaagaanba. Haddii midkood hees loo diyaariyo oo mid kale ay kaga dhegto, waa dad isu hura oo isu hibeeya.
Is-kaashi iyo wax-wada-qabsi ayay la leeyihiin fannaaniinta kale ee aan kooxda ka tirsanayn ee Soomaaliyeed ee gude iyo dibadba ku sugan. Fannaaniintaa qaarkood waxay ka taageeraan xagga suugaanta, codadka iyo miyuusiggaba. Haddii aad i fiirsato heesaha ay fannaaniinta Soomaaliyeed qaadaan gude, dibad iyo dalalka aynu jaarka nahayb in badan ayaad ku arkaysaa Furinle oo miyuusigga u tumaya. Taas ayaa markhaati cad u ah is-kaashiga iyo wax-wada-qabsiga ay wadaagaan fannaaniinta Soomaaliyeed ee kale.
Kooxda xidigaha geesku waxay Qaadaan heeso jacaylka waxaana soo raaca
heesaha wadaniga ah oo ay ka mid yihiin- Heesta Tahriibka, Heesta Nabada, Heesta, Ciyaaraha, Heesta Qabyaalada, Heesta Kaluumaysiga, Heesta Cashuuraha iyo Heesta Saxaafada ee Weriye Xor ah.
Heesaha kale ee waddaniga ah ee ay Qaadaan waxa ugu Caansan sida
Gooni-is-taag ereyadii iyo laxankii Laab-saalax, Dabbaal-degga Meey oo ah erayadii Boobe Yuusuf Ducaale, laxankii Mustafe Kiiko,
Heesta Nabada erayadii Siddiiq Burmad, laxankii Laab-saalax, Heesta Xornimo summad leh, Yurub iyo Hodan, ereyadii Laab-saalax laxankii Bk
Heesta iyo Dhulkaagaa lagu hodmaa, ereyadii Siddiiq Burmad.
Dhowr arrimood oo togan oo Kooxdan Xiddigaha Geeska baadi-sooc u noqon kara ayaa jira:
- Qaabka ay heesaha u duubaan oo ah mid wadareed. Wiilka ama gabadha heesaysa keli laguma daayo masraxa bal se kooxda inteeda badan ayaa la joogsata oo jiib iyo dhiirri-gelinba u samaysa,
- Marka la eego fannaaniin da’daas ah oo tiradaa le’eg, waxay ku ammaanan yihiin wada-joogga, is-qaddarinta iyo is-tixgelinta iyaga oo wax badanna isu hura oo isu hanneeya,
- Koox ahaan laba qaab ayay u hawl-galaan ama u heesaanba: mar ay adeegsadaan miyuusigga casriga ah iyo marar ay dib ugu noqdaan miyuusiggii hore ee qaaciga ahaa,
- Iyada oo ay duruufaha dhaqaale iska adkaan karaan oo aanay jirin dhaqaale badan oo heesaha laga sameeyaa, haddana Kooxda waxa ka muuqata in aanay arrimahaasi ku keenin wax dhibato ah ama is-qabsi ay is-qabsadaan,
- Kooxda oo wax-soo-saarkoodu iska fiican yahay in kasta oo uu u badan yahay heesaha, lagana rabo in ay ku soo daraan qaybaha kale ee fanka,
- Waxa ka muuqata in ay soo-nooleeeyeen isla markaana casriyeeyeen fanka gaar ahaan heesaha iyaga oo isla markaana kor u qaaday magaca iyo milgaha Somaliland,
- Qaybaha badan ee nolosha ayay kaga qayb-qaataan heesaha iyaga oo dhiirri-gelin la dareemay ku samaynaya, sida: dhismaha waddooyinka, dal-jacaylka, ururinta cashuuraha iyo mowduucyo kale oo ahmiyaddooda leh,
Waxa kale oo tilmaan iyo bogaadinba inaga mudan hoggaanka Kooxda ee saddexanka ah. Laab-saalax, Furinle iyo Caydaruus oo ku kala magacaaban xilalka ugu sarreeya ee Kooxda Geesku kuma koobna oo keliya hawlaha hoggaamineed, bal se waxa kale oo ay ku hawlan yihiin hawlaha curineed, abaabul, hoggaamineed iyo farsamoba.
Waxaan jeclahay in aan halkan si gaar ah uga xuso muusigyahan Furinle oo ka gudbay xuduudaha Somaliland, aadna uga muuqda shaashadaha guud ahaanba fanka Soomaaliyeed baahiya.
Kooxdan Xiddiga Geesku waxay hormuud u yihiin Kooxaha ka dhisan Geeska Afrika gaar ahaan dhulka ay Soomaalidu degto. Iyada oo aanan buunbuuninayn waxaan odhan karaa magac iyo milgaba waa ay u soo kordhiyeen dal iyo dadba, waxaanay inaga mudan yihiin dhiirri-gelin, tilmaan iyo toosinba.
Inta badan marka aad war-baahinta ijtimaaciga ah dhex-qaaddo waxyaabaha Kooxdan lagu eedeeyo ama lagu naqdiyaba waxa ugu badan in ay heesahoodu Xamar ka baxaan ama ay TV-ga Qaranka ee Soomaaliya heeso u duubeen. Kooxdan iyo Koox kasta oo Somaliland ku abtirsataba waxa waajib ku ah in aanay ku kicin wax qarannimadeenna lid ku ah. Faafinta iyo fidinta fanka Soomaaliyeed denbi iyo dhalliil midnaba ma aha. Fanku xuduud ma laha. Sida aynu cid walba u dhegaysanno ayay tahay in Soomaalidu innagana inoo dhegaysato.
Gebegebada sheekada waan hanbalyaynayaa Kooxdan aniga oo ku guubaabinaya in ay ilaashadaan wada-jirkooda iyo wax-wada-qabsigooda.
Dhammaad
ahay” Boobe Yuusuf Ducaale