|

“Baarlamanka Somaliland Waxay Maanta ka Turjumeen Dareenka dhabta ah ee Shacabka” Musharax Jamaal Cali Xuseen

London 12.April 2015 (SDN/QJ)- Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa bogaadiyay Golaha Wakiillada Somaliland go’aanka ay ku laaleen lacagtii sharci darrada ahayd ee laga qaadi jiray Baabuurta Cusub ee Dekeda ka soo degaysa,isla markaana waxa uu Golaha Wakiillada ka socsaday inay bisinka u qabtaan oo ay sameeyaan xeerkii lagu soo dooran lahaa.

Jamaal-CALI-XuseenJamaal Cali Xuseen uu sidaa ku sheegay qoraal uu ka soo saaray dalka Ingiriiska,

Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa waxa uu yidhi “ILAAHAY lagama quusto, Baarlamaankii maanta dareenkii shacabkay ka turjumeen. Service aan daraasad iyo sharci midna loo samayn dakhlina lagu ururinayo in la laalo waa xaq, hambalyo.”

Jamaal Cali Xuseen waxa uu ka dalbaday Golaha Wakiillada Somaliland inay sameeyaan Xeerkii lagu soo dooran lahaa, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Baarlamaanoow Bal xeerkii 10ka sano la idinka sugayey ee la idinku dooran lahaana bisinka u qabta.”

Go’aanka diidmada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland ku laaleen lacagta sharci darada ahayd ee ;aga qaadi jirey baabuurta cusub ee dekeda Berbera ka soo degeysa ayaa noqonaysa go’aamada faro ku tiriska ah ee Goluhu ugu danaynayo Bulshada, kaasi oo aanay mucaarid iyo Muxaafad u kala hadhin.

London SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed