Komiishanka Doorashooyinka oo ku hawlan Soo saarida Jadwalka Doorashada Todobaadka soo Socda
Hargeysa 12.April 2015 (SDN/QJ)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa la filayaa inay toddobaadkan soo saaraan jadwalka cusub ee doorahada, gaar ahaan wakhtiga cusub ee ay doorashadu qabsoomi karto, waxaanay guddiga doorashooyinku qorshahan cusub u gudbinayaan Madaxweynaha iyagoo ogaysiin siin doona saddexda xisbi qaran.
Khamiistii ayaa waxa kulmay guddiga doorashada iyo madaxda labada xisbi mucaarad oo xarunta guddiga doroashada u tagay sidii ay uga war dooni lahaayeen arrimaha doorashooyinka, maalin ka dib markii ay wefti Maraykan ahi Madaxweyne Siilaanyo si adag ugala hadleen doorashooyinka iyagoo ku taliyey inay qabsoomaan sannadkan 2015.
Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in guddigu xisbiyada mucaaradka u sheegeen inay toddobaadkan sida ugu dhaqsaha badan u soo saari doonaan wakhtiga ay tallo ahaan u arkeen inay doorashooyinku qabsoomi karaan iyadoo hore loo qorsheeyay inay doorashooyinku qabsoomaan 26 June 2015 oo uu ku eegyahay shanti sannadood ee Madaxweyne Siilaanyo la doortay. Lama oga wakhtiga cusub ee ay guddiga doorashooyinku u cayimi doonaan inay doorashada madaxtooyada iyo Baarlamaanka ku qaban karaan, waxase la saadaalinayaa inay ku jaangooyaan badhtamaha sannadka dambe ee 2016 iyagoo wakhtiga intaas ka horeeyana dhammaystiri doona hawlaha diiwaangelinta cod bixiyayaasha. Marka ay sidaas tahayna waxay u muuqataa in golaha guurtidu muddo kordhin u samayn doonaan Madaxweyne Siilaanyo, waxase la saadaalinayaa in khilaaf siyaasi ahi ka dhalan doono wakhtiga ay guddiga doorashadu u qabtaan qabsoomida doorashooyinka iyo muddo kordhinta ay guurtidu samayn doonaan.